Faa’idooyinka laga helo cunida Caloosha

Calooleyda
Calooleyda

Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha. Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

Waana laga helaa faa’idooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilib kale ee caadiga ah.

Waxaa la cabbaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa fa’ido badan oo isugu jiro brootiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

Faa’idooyinka laga helo calooleyda

Calooleyda waxaa laga helaa fitaamino iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeena, marka la cuno calooleyda waxa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeena, sida uu ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faalooda arrimaha caafimaadka.

Waxay ka hortagaa dhiig yarida

Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacayo dhiig yarida ee socon karin.

Waxay caawisa dhismaha lafaha iyo murqaha

Calooleyda waxaa laga helaa brootiin, brootinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaha murqaha iyo lafaha.

Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaano amni acids ee uu baahan jirkeena si uu shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faaloota arrimaha caafimaadka.

 

.

Waxaa ka buuxaa macdan iyo fitaamino

Calooleyda waxaa ku jiraa maaddooyinka ay kamid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium.

Macdanta Zinc waxay dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate.

Macdanta Selenium waxay qofka ka caawisaa hagaajinta hide sidaha, caafimaadka qumanka.

Miisaan dhimista

Qaadashada cuntooyinka ay ku badan yihiin brootiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto qaadashada iyo miisaan dhimista.

Calooleyda waxaa ku yar maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada cuntooyinka uu ku badan yahay brootiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu ku warramaya website-ka Healthline.com

Halista calooleyda

Calooleyda waxaa ku badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso.