Writen by Qaran News |

Faa’iidooyinka Dabaasha iyo Berbera
Xog iyo tallooyinba: W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

Dabaashu waxay abuurtaa farxad, fir-fircooni iyo raaxo hurdo oo aad ka dib dareemi doontid.
Waxay ka hor tagtaa caajiska, waxaanay baabiisaa wer-werka. Xaga caafimaadka waxay sifaysaa indhaha, waxayna qor-qortaa oo qurxisaa qaabka qofka, iyadoo hoos u dhigta caloosha iyo buurnida xadka ah.

MAAMULKA SARRE EE Gobolka Saaxil waxay
Kala yihiin sidan :-

Jaamac Yuusuf Axmed Badhasaabka Gobolka
Maxamed Cisman X Axmed Badhasaab xigeen
C/shakur Maxamuud Xasan Maayarka Gobolka
Cabdikariin Aaden Siciid Xogayaha Gobolka

Magaalada Berbera waxa ku taala xeebta ugu dheer badda cas, waxaa kaloo Berbera ku taalla dekada ugu wayn Soomaalilaan, waxaanay leedahay taariikh qarniyo ah , waanna halka xadaarada soomaalidu ka bilaabantay, waxay kaloo leedahay taariikh guun ah oo soo jireen ah, Berberi waxay nasiib u yeelatay inay ku yaalaan Goobaha ugu uu dhaqaalaha soomaaliland ka soo baxo sida:-

Dekada
Kastamka ugu balaadhan soomaalilaan
Haamaha Shidaalka
Warshada shamiitada (ma shaqayso)
Macjarada xoolaha.

Berberi waxay ka mid tahay xeebaha ugu dhaadheer ee ku yaala Soomaalilaan.

Waxaanna u dalxiis yimaada Dalxiisayaal fara badan oo ka yimaadda daafaha caalamka iyo meelkasta si ay ugu dalxiisaan taariikhna uga qoraan.
Badda Berberi waxay ka mid tahay khayraadka dabiiciga ah ee ay soomaalilaan ku faanto gacantanna ay ku hayso.
Soomaalilaan Waxay leedahay Xeebta ugu quruxda badan ee Batalaale, waxaana isugu yimaada dalxiisayaal kala duwan oo Dalkasta ka yimmaada.

Waa xeeb ay ku taalo bad marka aad dabaalanaysid aad dareemaysid:-

Farxad
Naxariis
Qurux
Deganaan
Fir-fircooni iyo
Jimicsi
Dareen gaara oo ka duwan kaagii horre.

Magaalada Berbera Waxa ku yaalla goobo daĺxiisa iyo goobo qadiimi ah sida:-

Masaajidka Turkiga
Guryaha Daaroole
Xabaalaha saadada
Moofada Cilmi boodhari
Goobta kalluunka ee Fair fishta
Buuraha sheekh

Waxa ku yaala Huteelo cusub iyo kuwo horreba iyo goobo laga helayo adeegyo kala duwan:-

Huteelada Berbera

Hoteelada Dhexe

Shide yare Hotel
Madiina
Dhag carmo
Awcaqli
Esco
Yaxye
Dirir Hotel

Hoteelada W/wayn

Barwaaqo Hotel
Alloore Hotel
Maansoor Hotel
Scandinavian Hotel
Damal
Qaar kaloo…..

Goobaha Cuntooyinka

Xanaan Coffe and Restaurant
Hidaaya cafeteria
Batalaale Restaurant and Supermarket
Fadhi ku ceesha ‘Kalluun daray ah oo kaliya”
Madiina Restaurent
Dhalaaliye Restaurent
Yemeny al saciid

Qaar kaloo…..

Super Marketyada

Tartiib Supermarket
Nuuradiin Supermarket
Ayuubi supermarket
Alloore Supermarket
Xanaan supermarket

Booshariyada

Barwaaqo Booshari ka ugu wayn.
Dur-dur.

Cisbitaalaada
Cisbitaalka dawlada
Abby Hostital (Private)

Adeegyada dawlada

Waddooyin casriya
Goobihii kubada cagta iyo kolaygaba.
Cusbitaalo
Saldhigyo iyo ciidan heegan ah

Xarumaha ganacsi ee waaweyn Telesom iyo Dababshiil oo ku yaala goobo ku haboon.

Dalxiiska ugu balaadhan ee BERBERA loo yimaadaa waa badda baduna waxay u baahan tahay inaanad dhaafin inta aad taqaanid markastana aad taxadir gaara muujisid. Sidoo kale in aad dadka waydiisid inay kacsan tahay iyo in kale. Taxadir u gal dadkana ha ka fogaan.
Markasta oo dadku ku bataan badda waa markasta oo ay hanjabto waayo dadku markay ku bataan badda xumaan iyo dad si qaldan ugu dabaasha lagama waayo si dhaqan iyo diin leh u dabaalo carruurtana ka war hay oo dabaal sii.

Dharkii badda, sharaabkii iyo biyihii haddii aad awoodo soo qaado.
Maanta magaalada Berberi waxay la tartamaysaa magaalooyinka waaweyn waxaanad ka helaysaa adeegyo kala duwan oo casriya iyo waddooyin aad ku raaxeysatid kuna ilawdid waddoyinkii Hargeysa.

La soco qaybaha dambe

Farxan Maxamed (Rakad)

Facebook: Rakad Mxd Sultan
Dhiirri-Gali dadkaaga
Berbera
Attachments area