Dr. Gaboose oo Hungo kala kulmay Deegaanadda uu ka soo jeedo

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo ururkiisa BARWAAQO ayaa wejigabax iyo hungo kala kulmay deegaanada beeshiisa oo dhabarka u soo jeediyey.

Magaalada Hargeysa waxa deegaanbadda beelihiisu degaan laga fujiyey sawirada istiikarrada Ururka Barwaaqo. Waxana bulshadu deegaanadaasi ay ku sifeeyeen urur maqaar-saar ah oo ay Xukuumaddu kula dagaalamayso Xisbiga WADDANI. Tusaale ahaan waxa Xaafadda New-Hargeysa kaga awiid batay urur siyaasadeedka Cali Guray ee Halgan. Waxana laga furay boodhadhkii ururka Gaboose, halka ururka Cali Gurayna si weyn loo soo dhaweeyey oo istiikaradiisu qabsadeen shaaricyada Xaafadda New Hargeysa.

Sidoo kale waxa ururka Dr Gaboose dhabarka loogu soo jesdiyey gobollada Togdheer iyo Sanaag, halkaasi oo bulshadu ka gows qabsatay siyaasadda digtoor Gaboose oo ay ku tilmaameen mid lagula dagaalamayo oo lagu kala jabinayo midnimada iyo Towfiiqda beelaha Garxajis oo ku middaysan xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Waxa kaloo Dr. Gaboose quus ka joogaa inuu hanto qaybaha kala duwan ee bulshada deegaannadiisa oo u hayta dhidar onkod kiciyey oo aan la joogin xilligiisii.
Ugu dambeyn, waxa la arki doonaa halka riyo maalmeedku dhigto Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo dhexda u xidhay inuu la daadego xisbiyada WADDANI iyo UCID, taasi oo qandaraas kaga qaatay Madaxweyne Muuse Biixi oo kula ballamay inuu soo saari doono ururkiisa Barwaaqo.

 

Ahmed H. Guuleed