Writen by Qaran News |

Faallo : “Nin Dan-lihi Dalliil Ma Waayo” Q1aad

Wuxu yidhi ” degmadaydu

Boobka way la dirirtaa

In la duro garsoorkiyo

In la dumiyo ma oggola

Badi waxay danaysaa

Dadku inay sinnaadaan

Kefedaha dalooliyo

Miisaanka dalabta leh

Waxa laysu dacal sudhay

Dibindaabyo maahee

Waa daryeel sida u yaal

Danyar loogu tala galay

Si aan laysu daba gurin

Dulmiguna xaqa u cunin

Dayaxaannu awdnaa

Qorraxdaannu daahnaa

Nuurkaannu damiinaa

Mugdigaannu daarnaa

Dabadeeto fulinaa

Sharcigii dalka u yiil

Cir da’furay habeenkii

Dallad baa la qaataa”……………….. Abwaan Hadraawi (Dibadyaal).

Qormadan Kooban Waxaan kaga Hadli doonaa in aan kaga sheekeeyo Xaalado badan oo ka jira gudaha Somaliland, taasoo qof kasta oo ku dhex jira bulshada dhexdeedu uu dareemi karo in baahiyo badan iyo dhaliilo badan oo ay shacabku tirsanayaan ay jiraan. Halka Aqoonayahan kasta oo bulshada ku dhex jira, lehna hami siyaasadeed oo jecel in uu dorasho mid goole degaan, mid baarlamaan iyo mid madaxweyn-ba inta uu bulshada ku dhex jiro arkaayo, oo uu u fiir fiirsanaayo isla markaana faaqidaayo oo baadhaayo baahiyaha ay bulshadiisu qabto iyo dhaliilaha xukumada markaas taladda dalka haysaa ay leedaha, laakiin nasiib darro jirta awgeed marka qofkaas aqoonyahanka ahi helo mansabkii iyo halkii uu doonaayey isaga oo taageero iyo garab istaag ka helaaya bulshadii uu ku dhex noolaa uu marka dambe, ilawshiyo iyo Masaxaad laga mariyo dhamaan wixii uu dareensanaa ka hor intii aanu noqon masuul sare oo maamulka dalka qayb ka ah.

Duruufaha Jira Ee Bulshadu Dareensantahay: Marka aad baadho oo aad u kuurgasho baahiyaha iyo duruufaha ka jira dalka iyo bulshada dhexdeeda waa kuwo aan qoraal lugusoo koobi karin, duruufahani waa kuwo baddi bulshada ka haysta dhanka nolosha iyo daruuriyaadka muhiimka u ah jiritaanka bani-aadamka.

1. Biyaha: Biyuhu waa nolosha noole kastaa ku noolayahan, Isla markaana aanu ka maarmi karin la’aantood; Somaliland gudaheeda waxaa jira duruuf baahsan oo guud ahaa gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinkuba ka simanyihiin.

Baahidan biyo la’aaneed waxay dalka ka jirtay ilaa wakhti ku beegan markii somaliland xornimada ka qaadatey Maxmiyadii Ingiriiska, laakiin dadka wax faaqidaa waxay aaminsanyihiin in kahor wakhtigii 1990-nadii dadku aanay dareemi jirin biyo la’aan baahsan oo gaadha ilaa xaddka ay maanta taagantahay, sababta taas keentayna ay ahayd dalka oo dadka ku dhaqani tiro ahaan magaalooyinka aanay xaddiga hadda jira ay ka yarayeen tiro ahaan iyo dhismaha dalka gaar ahaan magalooyinka waaweyn oo ahaa kuwo aad u kooban.

Sababta labaad ee wakhtigaas sagaashanadii ka horeeyey loo dareemi waayey baahiyaha biyo la’aaneed ee magaalooyinka dhexdooda ayaa ahayd in cimiladai iyo wakhtiyada roobabka la helaa ay ahayeen kuwo ka duwan sida hadda, oo xiligaas wakhtiga jiilaalka ee biyaha ceelasha iyo baraaguhu ay gudhaan ahayd wakhti kooban.

Hadda Hargeysa gudaheeda inta aan loo gudbin magalooyinka kale ee dalka waxaa ka jira biyo la’aan baahsan, taas oo runtii marka aad aragto hoyooyin iyo caruur yar yar oo safaf dhaadheer ugu jira helida biyo nadiif ah, isla markaana helida biyahaasi ay ku xidhantahay booyad ama gaadhi-ximaar biyoole ah oo wakhti kasta la waayi karo.

Intii ay somaliland jirtay Duruuftan iyo baahidan biyaha magaalooyinka oo isasoo taraaya, wali masoo marin dawlad waxqabad sax ah oo la taaban karo ka qabatay, In kasta oo dawlad kasta oo dalka soo martaa balanqaad iyo hadalo aan waxba ka suurto gelin dadka ugu balan qaado, taas oo marka xilku ka dhamaado dawladii mida xigtaa isla sidii dawladii hore balanqaadyo samayso, laakiin shacabka masaakiinta ahi ay rumaystaan haddalka siyaasiga isaga oo ku fushanaya danno gaar ah oo uu leeyahay.

Miyeyna ayaan darro ahayd dal dhan oo jiritaankiisa ku abtirsada marka laga taggo wakhtiyadii isku biirka somaliland iyo somaliya muddo laga joogo 27 sanno oo ilaa hadda caasimadii, magaalo madaxdii dalku marka saddex melood loo qaybiyo laba meelood oo kamid ahi aanay helin biyo nadiif ah, hoyooyinkii iyo maatidiina la dhiban yihiin habeen kasta u soo jeedka sidii ay u heli lahayeen 1 jirikaan oo biyo nadiif ah; Hargeysa gudaheeda waxaa jira guryo ay deganyihiin madax sar sare oo ka tirsan dawladaha soo maray dalka oo guryahooda iyo xafadaha ay deganyihiin aan laga helahayn wax biyo ah, Halka aad arkayso wasiiro iyo Masuuliyiin maalin walba ka hadlaya wax aan muhiimad u lahayn bulshada iyo shirar aan natiijo lahayn oo hadba ay kaga qayb galaan waddan iyo dal aan aqoon halka ay somaliland ku taalo. Allah ha u naxaristee Abwaan gaariye ayaa laga hayey “Dal waxaan ku noolay nin dilaala mooyee nin daryeel idhaa duli uu kaqoranyahay…….” Miyaanay haddaba taagneyn tan uu abwaanku ka hadlaayey.

Waxaa tan lagaga bixi karaa dawlada shacabka masuuliyada u haysaa in ay dareemaan in qaybtii ugu muhiimsanay masuuliyadoodu ay dayacantahay, Yaan la odhan tani dhaqaale ayey u baahantahay bal fiiri Imisa lacag iyo misaaniyad ayaa sanad walba la Ansixiyaa oo waliba si duuduub ah loo aansixiyaa, hadii milyanada dollarka ah la qorsheeyo beri hore ayey Somaliland noqon lahayd dal isku filan oo aan ictriaaf iyo aqoonsi toona uga baahneyn aduunka.

………………………………………………………………………..

Lasoco Qaybta 2aad Ee Qormaddan

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland