Writen by Qaran News |

Xafladii xil wareejinta ee maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa si aad u fool xun loogu gacansaaray Wasiir Cadaani oo ahaa wasiirkii warfaafinta ee xukumadii Siilaanyo.

Dhirbaaxada aadka u xanuunka kululayd ee Wasiir Cadaani Ka qabsatay gafuurka hore ayaa Ka keentay ilmo aad u faro badan, dhirbaaxadani waxa Cadaani labada indhood Ku caseeyay mid ka mid ah xubnaha Muuse Biixi u qaabilsanaa warbaahinta oo la yidhaahdo Axmed Hello oo hore uga hawl gali jiray TV Horn cable, goobta Cadaani lagu Fara saaray ayaan Ka dheeraynin goobtii uu Ka qudbadaynaayay madaxweyne Muuse Biixi, waxana xiligaasi Cadaani iyo Heelo ag taagnaa hogaanka hawlgalinta ciidanka Booliska, oo ay ilmaadeer tihiin Heelo, Cadaani oo ooyaaya markii dhirbaaxada Ku dhacday Booliskii ah joogayna waxba u qaban waayay ayaa u cararay Wasiir Maxamuud Xaashi, halkaasi oo Wasiir Maxamuud Xaashi uu dalbaday ciidan isla goobtiina lagu qabtay Axmed Heelo, ilaa hadana uu Ku xidhanyahay saldhiga dhexe ee Hargeysa.
Wasiir Cadaani ayaa guulwadayn waxa uu Ka qabo u ilmayn jiray madaxweyne Siilaanyo laakiin waxa maalintii ugu danbaysay ee Siilaanyo xilka wareejinta si fiican uga oohiyay Axmed Heelo oo Siilaanyo adeer u yahay, kaasi oo dhirbaaxada kulul afka kaga dhuftayba.