Writen by Qaran News |

Ka Fiirsasho La’aanta Magaacaabista Xoghayaha Dawlada/Hoose ee Gabiley oo Noqotay Hal Seegtay Madaxwayne Muuse Biixi ….W/Q Kaltuun Cabdilaahi Madar

 

Dhawaan ayay ahayd Markii uu Wasiirka Arimha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu Digreeto Wasiir Ku soo Saaray Magacaabista Xoghayaha Dawlada Hoose Gabiley Mustafe Maxmuud Xaaji Cabsiiye Kaasi Shacabwaynaha Reer Gabiley Ay Saluug Ka Muujiyeen Magacaabistiisa Kuwaasi oo Qaar Kood Ay u Sibir-Saareen, Kuna Sobobeeyeen Saluugooda Aqoon iyo Khibrad La,aanta Shaqada Xoghayenimada Dawlada Hoose ee Gabiley Madaama oo Masuul Kani La Soo Magcaabay Aanu Shaqo Dawladeed Waligii Aanu indho Saarin isagoo Nolosha intiisii ugu Badan Ku Qaatay Ganacsi Madaxbanaan oo uu Kaalintii Dawlada Ku Ganacsanayay Tan iyo intii u Dhaxaysay Wakhtigii uu Madaxwayne Muuse Biixi Wasiirka Arimha Gudaha Ka Ahaa Xukumadii Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee sanadihii u Dhaxaysay 1993-ilaa 1996kii

Xiligaasi oo uu Masuulkani uga Faaidaystay Xilka Wasiirnimda Muuse Biixi Cabdi Gacan Ku Dhigista Kaalintani uu Mudada Dheer Ku Shaqaysanayay oo Ahayd Kaalin Dawladeed oo Wakhtigaasi Ay Gacanta Ku Hayeen Muwaadiniin Reer Gabiley Ah KuWaasi oo Mamulayay Xiligaa ilaa Dawladii Siyaad Bare .

Tan iyo Wakhtigaa oo Masuulkani Shaqooyinkiisaa Gaarka Ah Ku Watay oo Xidhiidh Lalahaa Dawlada Hoose ee Gabiley oo uu Shidaal Siin Jiray isla Markaana Ay isku dul Badaleen Ku Dhawaad Dhawr iyo Toban Masuul oo iskaga Kala Danbeeyay Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley oo intooda Badani La tacaamilayeen Kaalinta,

iyadoo Ay Aalaaba Lagu Yaqaano Goobaha Ay Dawladu La Macaamisho Ay Kala Galaan Daymo Ayaan Masuulkani Ay Magaabistiisu Dad Badan oo Reer Gabiley Ah Dib u Xasuusisay Dhacdadii Layaabka Badnayd ee Dhexmartay Gudoomiye Ka Mid Ahaa Gudoomiyeyaashii Soo Maray Magalada Kaasi oo Lagu Magacaabo Xuseen Jameeco oo Xilka Hayay Xilka Maayarnimada Sanadihii 2006 ilaa 2008 oo Dayn Xadi Badan oo uu Ku Sheeganayay Dawlada Hoose Taasi oo Maxkamadi u Soo Xukuntay Mayarkii Xiligaasina uu Heshiis Kula Galay in Dayntaasi uu Ku Bixiyo Hadba Foojarka Lacageed ee Loo Saarayo Shidaalka uu Xiligaa isticmaalayay Loo Raaciyo Qadar Lacageed oo Kamida Dayntii Ay Maxkamadu u Soo Xukuntay Taasi oo uu Ku Dhamaystay Mudo Sanad Ku Dhaw  Hasa Yeeshee Daynta Ay Maxkamadu u Soo Xukuntay oo uu Marlabaaad Dib ugu Bilaabay Maxkamad Maadaama uu Mayarkaasi Aanu Hayn Cadayn uga Markhaatiya inuu Bixiyay Danyntii Maxkamadu u Soo Xukuntay inkastoo Xildhibaano Ka Tirsan Golihii Wakhtigaasi Ay Dhex Dhexaadin Ka Galeen Waxna Ka ogaayeen Ayaa Maamulkii isku Dul Badalay Sida Laga Wada War Qabana Aanay Waxba uga Suuurtoobin Waloow ilaa Wakhti Xaadirkani Ay Dawlada Hoose Ku Xidhantahay

Hadaba,Xukuumadani Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Xiligii Ololohii Darashadii Madaxtinimada Ka Soo Wareegtay Ku Dhawaad Afar Bilood Islamarkaana Bilawgii Ololaha Uu Soo Saaray Liiska Gudidii Xisbiga Kulmiye Oo Wadartooda Guud Ahayd Ku Dhawaad 15 Xubnood Ay Dadwaynaha Reer Gabiley Afka Kala Qaad Ku Noqotay Markii Ay Ku Dhex Arkeen Masuulkan Imika Loo Soo Magacaabay Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley

Iyadoo Laga Wada Warqabo In Madaxwayne Muuse Biixi Uu Ololihiisa Ku Galay Islamarkaana Sare iyo Hoosba u Sheegay Inay Ka Madhnaan Doonto Xukuumadiisu Xigtinimo,Eex,Qaraabo Kiil,Ehelnimo,Nin Jeclaysi, Sidoo Kalana Aanay Qoyskiisu Ku Yeelin Doonin Doormuuqda Xukuumadiisa,Ayaa Bilawgii Magacaabista Golahiisa Wasiirada Markii Uu Dhameeyay Ee Uu Gudo Galay Wajigii Labaad Ee Dheelitirka Saami Qaybsiga Beelaha Wada Daga Deegaanada S/land Ayaa Reer Gabiley Fajac iyo Quus Ka Qaadeen Magacaabista Xog-Hayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Mustafe Maxamuud X. Cabsiiye Oo Ay Ehel Dhaw Oo Walaalnimo Ka Dhaxayso Kuwaasi Oo Ay Kala Dhaleen Biixi Cabdi Xildiid iyo Caasha Cabdi Xildiid

Arintani Ayaa Gabi Ahaanba  Khilaafsan Balanqaadkii Madaxwaynha Ee ka Madhnaanshaha Ehelnimo Taasi Oo Uu Saami Qaybsi Beelood Uga Dhigayo Beesha Dagta Idhanka Deerayanahanka(Beesha Maxamed Jibriir) Oo Looga Markhaati Ka Cayo Xubnihii Ka Soo Jeeday Beeshan Ee Muga Iyo Miisanka Ku Lahaa Ee Ololaha Adagna La Soo Galay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Lagana Warqabay inay Damac Siyaasadeed Ay Lahaayeen Ugana Khibrad iyo Aqoon Badnaayeen Shaqada Dawladnimo Masuulkan Ka Soo Jeeda Qayska Madaxwaynaha

Talaabadan Madaxwaynuhu Ku Keenay Walaalkii Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Ayaa Noqotay Mid Ay Si Wayn Uga Gaws-Qabsadeen Kana Biyo Diideen Magacaabistiisa Beesha Uu Ka Soo Jeedaa Kana Dhursugayaan Madaxwaynaha Saamigii Ay Xaqa Ugu Lahaayeen

Waxa Kala Shacabwaynaha Reer Gabiley Goobaha La Isugu Yimaado Ku Falan Qeeyaan In Xoghayani Uga Faa iidaysto Wajiga iyo Shaadhka Madaxwayanaha Gacan Ku Dhigisii Kaalinta Shidaalka iyo Xilka Xoghayanimo Oo Uu Labada Jeerba Kaga Kala Faa iidaystay Mar Uu Walaalkii Ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Imika Oo Uu Yahay Madaxwayne

 

W/Q Kaltuun Cabdilaahi Madar

Kaltuun@gmail.com