Writen by Qaran News |

Maareeyaha hay’adda duulista iyo hawada iyo madaarada Somaliland mudane Maxamed Cabdi Rodol ayaa ka danbeeya in albaabada loo laabo shirkada SRM- oo ay leeyihiin muwaadiyiin reer Somaliland ahi, shirkadaasi oo uu todobaadkii hore uu xanibaad saaray hanti dhowraha guud ee qarankua mr Axmed Yusuf Dirir, warar ilaa shalay soo taraayay ayaa xaqiijinaaya in Mr Rodol uu doonaayo in uu shirkada SRM- uu si shaqsiyan ah ula wareego isaga oo ay ku lamaanyihiin xubno qurbo joog ah oo ay isku beel ka soo wada jeedaan, oo baryahanba faashka u sitay meeshii ay ku dhufan lahaayeen.

Waxana ay wararku sheegayaan in shirkado kale oo gaar loo leeyahay ay kooxdani uu Mr Rodol hagayaa ay dhawaan galin doonaan hanti dhowraha guud.

Mar aanu isku daynay in aanu mareeye Rodol wax ka waydiino arimahani ayaanay noo suurto galin

Waxii warar ah ee ka soo kordha arintani dhawaan la soco