Writen by Qaran News |

Fadeexado & Musuqmaasuq Hadheeyay Dekeda Bebera & Doorku ku leeyahaya Maareeye Axmed Yuusuf Dirir

dirir

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ay ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews Maareeyaha Dekeda Bebera Axmed Yuusuf Dirir oo madaxweyne Siilanyo sanadkii hore u magacaabay xilka ayaa durbaba bilaabay Musumaasuq Xawli sare ku socda &  inuu si khaldan uga faa’iidaysto Khasnada uu Qaranka u hayo.

Maareeye Axmed Yuusuf Dirir ayaa muddo gaaban gudaheed kiishada buuxsaday,urursadayna Waxoogaa lacaga,wuxuuna dhawaanahan bilaabay Gadashada & iibsiga dhul banaan (Baloogyo & Guryo qabyo ah oo badhkood ku yaal Magaalada Hargeysa & Berbera gudaheedaba,ku darsoo weliba bishii u danbaysay sanadkii ina dhaafay waxay ilahaanu warkan ka helay tibaaxeen inuu  iibsaday Guryo qabyo ah iyo Baloodho banaan kuna bixiyey lacag dhan $235 (Laba boqol iyo shan iyo sodon kun oo dollar).

Taas ka sakow waxaa iluhu tibaaxeen inuu iibsaday dhawr Gaadhi oo waaweeyn oo nooca xamuulka ah ,iskarogo & Booyad aan la sheegin inay Nooca shidaalka qaada iyo Biyaha lagu dhaamiyo kay tahay.

Isku soo wada duuboo Maareeye Axmed Y.Dirir ayaa sida iluhu  Qarannews u soo dusiyeen wuxuu gucle iyo orod ugu jiraa misana geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii uu uga faro qabsan lahaa Hantida Dekeda Berbera intaan Shirkada DP World la wareegin & isagaan kalsooni buuran ka qabin inuu xilkan sii hayn doono.Waxa Intaas dheer tan iyo intii uu xilka qabtay Dakhliga Dekeda waxaa ku yimi hoos u dhac weyn oo lagu xidhiidhiyey sababo aanu ku dabajirno,markaanu xaqiijinaana aanu soo bandhigi doono,waxaa kaloo jira cabashooyin ka soo yeedhaya Ganacsatada Badeecadaha kala soo degta  iyo muruqmaalka dekedaba.

La soco xoggo ku saabsan Guryaha Qabyada ah,Baloodhada & Gaadiidka Maareeye Axmed ka iibsaday Hargeysa Berbera iyo Sawiradooda