๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 53-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 53-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan Xaaladda Abaaraha ee sii adkaanaysa dhammaan Gobollada dalka. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in ay jirto biyo-laโ€™aan iyo cunto-laโ€™aan baahsan, barakac sii kordhaya, iyo xaalad nololeed oo aad u adag oo haysata bulshada guud ahaan, gaar ahaana dadka reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in xaaladdu u baahan tahay tallaabo degdeg ah iyo Gurmad Qaran oo midaysan oo loogu gurmanayo bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku baaqay in aynaan sugin kaalmo shisheeyo balse aynu ummad ahaan innagu (Dawlad, Ganacsato iyo Shacaba) isku tashanno si aynu u bedbaadino bulshadeenna ay Abaarahu saameeyeen meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu Golaha uga xog warramay hab-sami-u-socodka Dakhliga iyo ururinta Cashuuraha ee bishii January 2026, isaga oo xusay in Dakhliga Qaranku u socdo sidii loogu talo galay, isla markaana uu ka sarreeyo Odoroskii Miisaaniyadda Qaranka 2026-ka.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si joogto ah ugu hawlan tahay dar-dargelinta Qorshayaal iyo Istaraatiijiyado Qaran oo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo ilaha dakhliga, si loo xaqiijiyo horumar la taaban karo oo salka ku haya koboc dhaqaale iyo nidaam maaliyadeed oo adag.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u xaqiijiyey in sabbaynta iyo dhaqdhaqaaqa sarrifka Shillinka Somaliland uu yahay mid deggen oo xasilloon, taas oo muujinaysa kalsoonida suuqyada iyo maaraynta hufan ee siyaasadda Maaliyadda Qaranka JSL.

Ugu dambayntii, Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa si cad u bayaamiyey muhimadda ay Qaranka u leedahay in dhammaan Hayโ€™adaha Xukuumaddu (Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Madaxa-bannaan) ay si buuxda u dabbaqaan nidaamka Daah-furnaanta Maaliyadeed iyo isla xisaabtanka, si loo adkeeyo kalsoonida dadweynaha JSL loona xoojiyo maamul wanaagga.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi, isaga oo xusay in labadii toddobaad ee u dambeeyey ay dhammaan Gobollada ka jirto Xummad baahsan, taasi oo si gaar ah u saamaysay carruurta iyo dadka waayeelka ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay qaadday tallaabooyin degdeg ah, isla markaana ay diyaarisay adeegyo caafimaad oo dheeraad ah, daawooyin iyo hawlgelin shaqaale caafimaad, si wax looga qabto xanuunka xummadda loogana hortago faafitaankiisa.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in guud ahaan dalka uu ka socdo Ololaha Dhiig-bixinta Qaranka, si loo helo Kayd Dhiig oo ku filan xaaladaha deg-degga ah iyo bukaanada u baahda gargaar dhiig oo dhakhso ah.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐ฌ๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง ๐ ๐ฎ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐š๐ก:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Axmed Jaamac Barre.

Wasiirku waxa uu sharraxay dhibaatooyinka ka dhasha Macdan-gurashada sharci-darrada ah ee ka socda Gobollo basan, isaga oo si qoto dheer u iftiimiyey saamaynta taban ee ay ku leedahay amniga, bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha macdan-qodista ee aan sharciyeysnayn ay horseedaan khalkhal amni, lunsiga kheyraadka Qaranka, tartan aan caddaalad ahayn, iyo burbur ku yimaada Deegaanka, taasi oo halis ku ah mustaqbalka dalka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in korodhka dadka ajaanibka ah ee ku lug leh hawlahan sharci-darrada ahi uu sii murjinayo xaaladda, taasi oo u baahan in laga yeesho feejignaan iyo tallaabo mideysan.

Wasiirka Tamarta iyo Macdantu waxa uu ku baaqay in dhammaan Hayโ€™adaha Qaranka ee ay arrintani khusayso ay si wadajir ah uga yeeshaan talo iyo istaraatiijiyad Qaran, si wax looga qabto macdan-gurashada sharci-darrada ah, loona ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹ ๐ž๐ž ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay safarkii shaqo ee isaga iyo weftigiisu ay ku tageen Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan ka qayb-galkii uu Madaxweynuhu ka qayb-galay Shirkii Dawladaha Adduunka ee ka qabsoomay magaalada Dubai.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii 2-aad oo xidhiidh ah si Mustawe sare leh uga qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka, oo ah Shirka 3-aad ee ugu muhiimsan Dunida. Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada uga xog warramay kulammadii heerka sare ahaa ee uu la yeeshay hoggaamiyeyaal iyo madax kala duwan oo ka socota Beesha Caalamka, wufuud caalami ah, Ganacsato.

Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee uu safarka noocan ahi u leeyahay Qaranka JSL, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, maalgashiga, iskaashiga amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in ka qayb-galka Jamhuuriyadda Somaliland ee Madalaha Caalamiga ahi ay xoojinayaan magaca, sumcadda iyo kalsoonida ay Somaliland ku leedahay Beesha Caalamka, isla markaana ay fursado cusub u furayaan iskaashi iyo maalgashi wax ku ool ah oo dan u ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo Dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha, iyo ballaadhinta xidhiidhada Caalamiga ah, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qaranka JSL ee dhanka horumarka iyo aqoonsi raadiska.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐