Falanqeeye siyaasadeed oo Suudaani ah ayaa sheegay in kiisaska #Somaliland iyo dawladda Koonfurta Yemen ay yihiin arrimo siyaasadeed oo sharci ah. Waxana uu yidhi sidan hoos ku xusan.
”Waxaan halkan u joognaa inaan garab istaagno walaalahayaga reer Somaliland iyo halgankooda ay ugu jiraan aqoonsiga caalamiga ah. Waxaan xasuusinaynaa dunida in Koonfurta Yemen ay la mid tahay Somaliland; waxay ahaayeen dawlad madax bannaan oo leh xuduudo caalami ah ka hor intaanay ku biirin midowgii guuldaraystay oo dhib mooyee aan dheef laga helin. Labadan shacab waxay wajahayaan xaalad isku mid ah, waxaanay xaq u leeyihiin inay dib u soo ceshadaan madax bannaanidoodii ay hore u lahaayeen.
Waxaan aragnaa dawladda Masar iyo dawlado kale oo isku dayaya inay soo farageliyaan arrimaha badda iyo amniga gobolka, iyagoo iska indhatiraya rabitaanka shacabka deegaankaas leh. Ma aha wax la aqbali karo in la yidhaahdo ‘midnimadu waa muqaddas’ iyadoo dhiigga shacabka la daadinayo ama xuquuqdooda la duudsiyayo.
Somaliland waxay dhistay dawlad nabad ah, dimuqraadi ah, oo shaqaynaysa muddo ka badan 30 sano iyadoo aan caawimo ah ka helin caalamka.
Sidee caalamku u diidi karaa xaqiiqadaas ka muuqata dhulkaas?
Koonfurta Yemen ma noqon karto maxbuus u afduuban nidaam aan metelin, waana inay sida Somaliland ka dhabaysaa hadafkeeda. Haddii midowgu shaqayn waayo, waa in si nabad ah lagu kala tagaa si loo badbaadiyo nolosha dadka. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay ka dhiidhiyaan munaafaqnimada siyaasadeed, oo ay aqoonsadaan xaqa ay dadkani u leeyihiin inay noqdaan dawlad madax bannaan.
Nabadda Geeska Afrika iyo badda cas waxay ku xidhan tahay ixtiraamka rabitaanka shacabka Somaliland iyo Koonfurta Yemen.”





