Faransiiska oo abaar soo wajahday darteed biyo dhaamis laga bilaabay

.
Webi gudhay oo ku yaal koonfurta Faransiiska

Dowladda Faransiiska ayaa magacawday guddi khubaro ah oo wax ka qabata abaarta keentay in boqol tuulo iyo dheeraad ay ku yaraadaan biyuhu.

Booyado ayaa u dhaaminaya haatan goobahaas maadaama oo “qasabadihii aanay biyo ka soo qaaday ceelashii” ayuu yidhi wasiirka deegaanka, Christophe Béchu.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay tahay abaartii ugu darneyd ee soo marta Faransiiska.Waxaana haatan biyaha loo tashiilaa 93 gobol.

Xaaladaha biyo la’aanta ah ayaa la sheegayaa in ay sii jiri doonto ugu yaraan labada toddobaad ee soo socda.

Shirkadda tamarta ee dawladda ee EDF ayey qasab ku noqotay inay dhimaan wax soo saarka qaar ka mid ah xarumaha tamarta nukliyeerka, maadaama heerkulka webiyada qaarkood uu aad u sarreeyo si loo helo qaboojin ku filan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in abaarta  ku dhufatay ku dhawaad ​​dhammaan dhul weynaha Faransiiska  ay hoos u dhigi doonto wax soo saarka beeraha taasoo uga sii dari doonta cunno yarida ka dhalatay dagaalka Ukraine.

Dadka reer Yurub ayaa durba la halgamaya qiimaha cuntada oo sarreeya maadaama dhoofinta qamadiga ee Ruushka iyo Ukraine oo ka mid ah wax soo saarka ugu sarreeya adduunka  ay aad uga hooseeyaan sidii caadiga ahayd.

Kulaylka kulul ee lagu dubay Faransiiska tan iyo bishii Juun ayaa ku kalifay geedaha iyo duurka inay daataan caleemaha goor hore, iyagoo abuuray muuqaalo u eg dayrta.

.
Xawayaanka oo harraad laga samata bixinayo

Bishii Luulyo Faransiisku wuxuu lahaa kaliya 9.7mm  roob ah, taasoo ka dhigaysa bishii ugu qalalan tan iyo Maarso 1961, adeegga cimilada qaranka ee Meteo-France ayaa sidaas yidhi.

Waraabka ayaa laga mamnuucay inta badan waqooyi-galbeed iyo koonfur-bari ee Faransiiska si loo ilaaliyo biyaha.

Goynta galleyda, oo inta badan loo isticmaalo quudinta xoolaha, ayaa la filayaa inay hoos u dhacdo 18.5% sanadkan marka la barbar dhigo 2021, wasaaradda beeraha ayaa tiri. Meelaha ugu badan ee galleyda laga beero waa Alsace oo ku taal bariga iyo gobollada galbeedka, dalaggiina waa la bilaabay.

Dhoofinta galleyda ee France, Hungary, Romania iyo Bulgaria ayaa dhamaantood la filayaa inay hoos u dhacaan sanadkan sababtoo ah kulaylka, iyo kuwa hooseeya ayaa kor u qaadi doona qiimaha, Faransiiska BFMTV ayaa sheegay.

Beeralayda xooluhu ee ku nool buuraha Alps waa in ay maalin kasta baabuur ugu dhaadhacaan dooxooyinka si ay u soo ururiyaan biyaha xoolahooda, taas oo ku kordhisa dhawr boqol oo Yuuro biilasha shidaalka toddobaadlaha ah, sida uu sheegay wariyaha TF1.