Farxad ku Bushaaraysta Waalidiintii dhibbanaydeey.

Tan iyo sannadkii 2013 waxa dhalinyaro badan oo qurbaha ku nool oo la maskax-xaday ay u hayaameen Wadamada Suuriya iyo Ciraaq iyaga oo niyadooda ay ku jirtay inay ku hoos noolaadaan maamulkii kooxihii daacish ee isku magacaabay inay yihiin Dawlad Islaam ah oo Shareecada wax ku maamulaysa.

Nasiib darro dhalinyaradaasi markii ay halkaas tageen waxay kala kulmeen waxaanay filayn, waxaanay in badani ay ku naf waayeen oo lagu dilay dagaaladaas oo lagu qasbay, waxaana dad faro ku tiris ah oo dhalinyaraas ka mid ah iyo haweenkii iyo carruurtii soo badbaaday lagu guray Jeelal Cadaab ah iyo Xeryo Qaxooti oo aad u qalafsan oo ku yaala Waqooyiga Suuriya gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga ee la yidhaa Al-Hol, Iuo Al-Roj.

Tan iyo bishii July ee sannadkii 2019 oo aan la shaqaynayay Waalidiinta Carruurtu ay ka maqan tahay oo ku kala nool Wadamada UK, Yurub, America iyo Canada waxaa Allah mahadii ah inaan la wadaago in dhibtii mudada dheer haystay ay soo afjarmayo dhawaan insha Allah.

Waxa Allah Mahadii ah in Dalalka Jarmalka, Denmark, Sweden iyo Finland ay bilaabeen inay dib usoo qaataan dadkii Soomaalida ahaa ee dhalashooyinkooda haystay ee ku xannibnaa Waqooyiga Suuriya, waxaana dhawrkii usbuuc ee ina dhaafay dad badan la keenay Denmark, Germany, Finland iyo Sweden. Dawlada Ingiriiska oo iyadu aad uga dhego adaygaysa inay dadkeeda soo qaadato waxaanu saarnay ololo dhinacyo badan kaga imanaya oo ka codsanaya inay raacdo talaabada ay raaceen Wadamada Yurub ee kale.

Dhinaca kale Saddexda maalmood ee soo socda gudahood waxa booqasho ku tegi doona Xeryaha Qaxootiga iyo Xabsiyada Waqooyiga Suuriya Masuul sare oo damiirkiisu nool yahay oo ka damqaday dhibaatada iyo darxumada haysta Dumarka iyo Carruurta iyo dhalinyarada Somaaliyeed ee ku dhex cadaaban kuna dhex rafaadsan Xeryaha iyo Jeelasha ku yaala Waqooyiga Ciraaq.

Masuulkan Geesiga ah oo ah halyeey uu Damiirkiisu nool yahay oo ay taariikhdu xusi doonto, ma jecli inaan imika magaciisa halkan ku sheego, hase yeeshee waxa uu dhexda u xidhay inuu dadkaas dhibaataysan soo badbaadiyo, waxa uu booqan doonaa Xero kasta iyo Xabsi kasta oo qof Soomaali ahi uu ku jiro.

Ugu danbayn waxaan ugu Bushaaraynataa Waalidiinta iyo ehelada ay dadkoodii ka maqan yihiin in dhawaan ay maqli doonaan warar khayr qaba oo ay ku farxaan.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Frankfurt. Germany.