Fashilka Xukuumadda Biixi ee Dagaalka Laascaanood

Muddo dheer oo ay ka socdeen magaalada laascaanood dilal aan weli la aqoonsan cidda ka danbaysay oo lagu galaaftay badi haldoorkii reer Laascaanood ayaa ugu danbayn sababay kacdoon dhiig badani ku daatay. Labaatabkii diseembar ee sa adkii tagay gadood ay dadka reer Laascaanood ka sameeyeen magaalada laascaanood ayay xukuumadda biixi kaga jawaabtay rasaas aan loo meel dayin taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad labaatan qof kuna dhaawacmeen in ka badan boqol qof.
Muddo bil ah oo shir u socday isimada dhaqanka reer Laascaanood xukuumadda biixi waxay ku guuldaraysatay inay wada hadal la furto si xal looga gaadho tabashada dadka
deegaanku ka qabaan Somaliland.
6dii feebarweri 2023, markii uu soo dhamaaday shirkii garaadada beesha Dhulbahante islamarkaana ay ku dhawaaqeen go’aamo lid ku ah Somaliland xukuumadda Biixi waxay kaga jawaabtay dagaal galaaftay dhimashada dad ka badan 150, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo qof, kuna barakaceen ku dhawaad Boqol iyo shan iyo sideetan oo qof in ka badani.
Xukuumadda biixi ayaa dagaalka laascaanood ku sheegtay inuu yahay dagaal ay kula jirto argagixiso taas oo afka oodda ka saartay irid walba oo xal lagu raadin lahaana soo xidhay.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo laascaanood u jooga  siduu u dejin lahaa xaalka laascaanood  ayaa madaxweyne biixi ku eedeeyay inuu soo xidhay jid walba oo ay nabadi ku iman lahayd, isaga oo intaana sii raaciyay in dadka reer Laascaanood xukuumadda Somaliland u gaysatay xasuuq nacayb ah. “Waxaa la isticmaalay awood xad dhaafa oo ay ka muuqato nacayb, tallaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay ama xadhig kasta oo aanu soo xidhnay inay ka socon waayeen dhinaca madaxweynaha (Muuse Biixi).”
Gebogabadii, xukuumadda biixi waxa ay duqaysay intii uu socday dagaalka laascaanood goobaha muhiimka ah, sida caafimaadka, biyaha, laydhka iyo goobaha muhiimka u ah bulshada.
W/Q: Maxamed Muuse Cismaan