Gudoomiyaha Xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe ayaa dhaleecayn u soo jeediyay mid ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda beesha madaxweynaha, Suldaan Sabeeyste oo olole beelaysan ugu jira in uu mar labaad kursiga ku soo laabto Muuse Biixi.
Hadaba gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka gubtay hadalada qabyaaladaysan ee ka soo baxay Suldaan Sabayse iyo kala qaybinta dadka ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada siiba barta uu ku leeyhay X- waxa uu u qornaa sidan hoos ku qoran
Suldan Sabayse waxuu ku hadlay, waa qaran dumisnimo. Soomali waxay dagal kula jirta dawlad ayey reer Sheikh Isaaq aqlabiyad ka yihin in aanaye hana qaadin.
Isna Reer Sh. Isaxaq oo qooys ah ayaa leeyahay jilib jilib oo codeeya oo u qayeebinaya. Sabaysow sidaa qaran kuma dismo.