Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Muuse Biixi in aanu dalka ka ridin dagaalkii sokeeye ee uu ka riday 1994kii oo kale.

Guddoomiya xisbiga UCID. Faysal wuxuu ugu baaqay in ciidamada laga horgeeyay laga soo dul qaado jabhada gashay buurta Gacanlibaax.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in aanu Muuse wax lexjeclo ah ka qabin dalka, hase ahaatee uu ku mashquulsan yahay oo kaliya sidii uu u sii haysan lahaa kursiga uu ku fadhiyo oo kaliya.

Eng. Faysal wuxuu dhallinyarada buuraha gashay ku booriyay inay joogsadaan oo aanay dalka la dumin Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale Garaadada Sool ayuu ka dalbaday unay xabada joojiyaan oo ay Somaliland oo ah dal la wada leeyahay wax la qabsadaan. Waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay Laascaanood markii hore ku soo daayeen kumanaan qof oo hubaysan oo sitay calankii Soomaaliya.

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe wuxuu waxgaradka Somaliland ka dalbaday inay iskugu yimaadaan shir aayo ka tashi oo Muuse Biixi lagaga badbaadinayo Jamhuuriyadda Somaliland.