Faysal C. Waraabe oo Sheegay in aanay Madaxweyne Muuse ciddi u Igman Wadahadallada uu la wado Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)-Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu ka warqabin wadahadalada madaxweynaha Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti.

“Anagga horta wax wadahadal ah oo Soomaaliya iyo Somaliland u dhexeeya oo hadda wakhtigan jira maanu maqal oo iminka waa noo kowdaa aad tidhaahdaan wadahal ayaa jira iyo maanta ayuu dhoofay madaxweynaha” ayuu yidhi Faysal mar uu u waramayay idaacadda maanta ee BBC Somali.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Muusa Biixi aan loo igmanin in uu ka hadlo arrin ku saabsan Somaliland.