Tooltip TextFlydubai flight FZ662 oo cilad awgeed u baqatay

Waxa ay ahayd 28kii September 2023, marki rakaabkii la balamiyey in ay garoonka diyarada Cigaal international Airport yimadaan 6:30 subaxnimo, si ay u racan diyarada flydubai Flight No: FZ662.
Marki la dhameyey misanki alabta iyo badhisti socdalka(Immigration office),ee la galay qolki weyna ee loga dareerayey diyarada.
Waxa rakaabkii sugayey diyarada soo gadhay warar isburinaya oo ka mid yahay dayardi markay soo degeysay waxa mashiinka ka galay haad duulaya(Bird or Eagle) oo mashinkii wax yeelay.
Rakaabki yimi 6:30 subaxnimo waxa loo sheegay 3:00 galabnimo in diyaradii ciladi gashay. Sida darteed in ay shandadahooda qaataan oo ku laabtaan huteeladoodi iyo guryahoodi, beri subaxna yimaadaan.
Nasiib wanag Arrinta shandada rikabki iyo masuuliyinti shirkada way is la qateen in mesha lagaga tago oo ay beri u yimadaan.
Masuuliyinta shariikadu waxa ay mujiyeen dulqaad iyo deganaan, marki ay rakaabku soo jediyeen in ay lumiyeen flightyadii ay ku bedelan lahayeen Dubai marka ay tagaan iyo ku noqoshada hoteelada Hargeisa ee ay saaka ka soo baxeen.

Subaxadi dembe marki rikabki , yimadeen garoonki waxay iswaydiinayeen, Dayaradu ma tii hadaku mashinka ka galayba, mise waa la bedelay. Arrinta rikabka cidi ugama jawaabin. Sidas bana dayaradi lagu koray.
Marki dayaradi la fuulay ee ay gashay dhabadi ay ka hadi lahay aya bilootki (Pilot) dayarada sii xoogleh berega ugu qabtay oo u joojiyey diyaradi.
Bilotki (Pilot) waxa u rakabki u sheegay Diin waye (big trotoise) oo wadada ka gudbayey ayan ka joogsadey.
Tallo Bixin

Hadaba aniga oo ka mid aha rakaabki dayarada malinta sara diyarada wax an soo jedin lah arrimaha hoose ku qoran:
1) Hadka dula garoomada waa mashkalad Calamiya (International issue), sida darteed waxa loo bahanyey in khubarada adunka lala kaashado,sii deg deg ah loga hawl galo.
2) Xayawanka soo gelaya garoonka waxu u bahanyey waxi ka celin laha in lagu xidho,shebega debeda waxau u celinkaraa oo keliya waxi weyn ee ay ka midyihiin xooluhu, laakiin wax yaalo badan oo dhibi kara diyarada ayaa ku nool garoonka gudihiisa.

All mahadlh
Eng: Abdillahi M Nur(Feyar)

feyar1@yahoo.com