Writen by Qaran News |

 
FOOLAAD IYO FAHAMKAYGII
_=========================
Intii uu ka hilaacay kacaankan buugaag qoristu guud ahaanba magaalooyinka ay soomaalidu degto gaar ahaan ka ka muuqday caasimada somaliland ee Hargaysa wuxuu daaha ka rogay iftiimiyeyna taariikho la daahfuray halisna ugu jiray inay lumaan waan u mahad naqayaa cidkastoo dadaalkaa ka qayb qaadatay ama ku hamiyaysa inay ka mid noqoto, u suxul duubanayaasha bulsho si ay u ilaaliyaan dhaqanka sooyaalka iyo taariikhda dadkan iyo dalkanba,tani waa horumar ay gaadheen jiilkan wakhtigoodu casriga yahay duruufo badanina ay saacidayaan,inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban,kuwaasoo aad ka dareemayso marka aad akhrido waxsoo saarkooda,iyo sida tixraacyadoodu u yar yihiin taasna waxaa sababtay inaan dhaxal hore loo tusmayn iyo in cimriga afkan wax lagu qorayey uu yaraa
Makaan intaas ka gudbo 20kii sano ee u danbeeyey akhrinta buugaagtu aad bay iigu yarayd,aniga iyo dadka kaleba duruufo jira awgood waxaanse nasiib u helay inaan indhaha ku nasiyo buugii iigu horeeyey mudadaas oo aan akhriyo kaasoo kamid ahaa dhawr buug oo si isku dhawdhaw loogu soo bandhigay magaalada Hargeysa badhtamihii sabadkan 2021ka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen FOOLAAD,HAWAALAWARAN,JALAMQALAM,ASTAAN HALGAN iyo qaar kaloobadan dhamaantoodna ay xanbaarsan yihiin taariikh iyo nololo badan oo xardhan, bulshada dhexdeedana inbadan qiimo ku dhex lahaa, hadaba kii iigu horeeyey ee aan nasiib u helo inaan akhriyaa caawana aan jecelahay inaan wax ka idhaahdaa waa buuga toolmoon ee FOOLAAD,.
Foolaad sida ka muuqata magaca inta  aanan u fiirsan aan u mahad naqo siduu sheegay qoraagu cidii lahayd magac bixintiisa abwaan Xasan Daahir  WEEDHSAME, waxaan leeyahay meel gaara oo libineed iyo qalbi degan oo gundheer ayaad ka soo saartay waxaanu noqday kii hirgalay ee mahadsanid markale.
Buugan FOOLAAD oo ka sheekaynaya taariikhdii macalin Fanaan Halgamaa Maxamed Mooge Liibaan AHU waxaa qoray qoraa iyo abwaan Cabdikariin Xigmaawi ma doonayo inaan qoraaga ka sheekeeyo waxse keliya oo aan doonayaa inaan idhaahdo,waajibka guud ee dadka ama ummadda wada saaran qofka ka furta wuxuu geyaa in la yidhaahdo mahadsanid weliba ku mahadsanid hawl inoo wada taalay kuna wadeecoobi lahayd dhexdeena hadaad naga furatay anaga ayaad si gaar waxtar noogu noqotay manfacna waxaad u ahaan doontaa jiilasha soo koraya.
Buugan FOOLAAD qoraagu aad ayuu isugu hawlay runtii waana gundhig wanaagsan iyo bar bilow sees looga dhigi karo taariikh mug  wayn oo in si fudud loo ururiyaa ay dhib iyo hawl badan leedahay,FOOLAAD micnaha eraygu waa mid gun balaadhan oon eray lagu fasiri karin,Foolaad WAA BULSHO HORMUUDKEED bulshada dhan walba inta labeenteeda ah ayaa la yidhaahdaa waa FOOLAAD. Sida dhiganahan ka muuqda hadaad si niyada aad u dheehatid maxamed intuu noolaa iyo intuu mootan yahay waxaad arkaysaa inay aad isugu dhawdahay bal eeg 1984_2021 oo buugu soo baxay 37 sanadood ayuu mootan yahay waana sababta fogaysay xog badan iyo taariikh dahabiya oo laga heli lahaa,waxaad halkaa ka garan kartaa in inbadan oo ehel iyo asxaaba la ahayd uu wakhtiga iyo waayuhu kala kexeeyeen,weliba qaar badan oo maktabad inoo noqon lahaa ay hayaameen siiba wakhgiyadii danbe asxaabtii ay safka halganka ku wada jireen oo inta ka nooliba ay yartahay,bal eeg xaga kalena sida qoran 40 jir ayuu ku godgalay 1944 tii oo uu dhashay iyo godgalkiisii 1984tii.
Sida ku cad dhigaalkiisa Foolaad Maxamed mooge noloshiisii tolmoonayd marka laga reebo waayihiisii caruurnimo ardaynimo,iyo qaangaadhnimoba waxa uu wakhti yar oo gaaban uu ummada soomaaliyeed ugaga faa’iideeyey inay ku liqaan magaciisa, uu noqdana todobaatanaadkii Soomaalidu qofka keliya ee ay kor u qaadaan magac iyo maamuusba, waana ta keentay kana dhigtay in foolaad laagu wanqalo sooyaalka taariikhda laga qoray.
Buuga FOOLAAD sida ku cad bogiisa 106aad heestiisii u horaysay maxamed ala ha u naxariistee wuxuu qaaday 1968dii taasoo uu u qabtay radio Hargeysa, waa Heestii MAHIIGAAN, ereyada waxaa lahaa Maxamed Cumar Huryo,laxanka waxaa raaciyey Rashiid Bulo, codkuna wuxuu ahaa maxamed Mooge illaahay dhamaantoodba haw naxarariistee,
Waxaana midhaheedii ka mid ahaa,
Maraan xalayto toosoon
Muxibada la sara kacay
Oon midigta kaa deyey
Meelaad kamaqan tahayOon bidix miliilicay
Meel aadan joogin
Oon meelo dheer iyo
Marna dayey hortaydaa
Masanuunshay inanyey
Muuqaagu sidu yoo
taasi waxay inoo muujinaysaa marka aynu si kale u dhigno  in maxamed mooge mudo aad u yar uu ku hantiyey qalbiyada dadka soomaaliyeed.
Mar hadii maxamed alle ha u naxariistee uu qaaday heestiisii u horaysay ee si caam ah loo maqlo 1968, marka laga jaro dhimashadiisii, waa16 sanadood oo keliyaayuu ku dhex jiray fanka, inta badana halgan iyo xabsi uu ku soo jiray, wuxuuna ku gaadhay derejo aan umadu cidna la wadaajin, uu noqdayna umadan foolaadkeeda,sida aan ka dhegaystay waraysi uu bixiyey cabdikariin qaaray mulaxamaystihii qaariga ahaa,waraysigaas oo youtube ka ku jira, weriye Dulyarna uu muqdisho kaga qaaday, wuxu yidhi maxamed mooge Alle haw naxariistee waxaa iigu danbaysay aragtidiisa 1975 kii waa xiligii fanaankii cabdilahi hanuuniye loo bixiyey markay dadku maqleen codkiisa Shoodhe Mooge taasina waa markhaati kale oo muujinaysa inuu mudo yar oo 7 sanadood ah ku noqday dayax shin dhalada nuurkiisuna arlada wada gaadhay waa shan iyo tobnaade,
Maxamed AHN intaan dhigaalka FOOLAAD ka daalacday wuxuu ahaa fannaan ay ku taagsadeen awoodoodana ay isugu geeyeen labeentii hal abuurkii Soomaaliyeed ee taariikhda galay todobaatanaadkii, inamadii la holin waayey ee lahaa Hadraawi,cabdi qays,Huryo,Axmed Saleebaan bide,Cali Saleebaan Bide,Xasan Sheekh muumin,Xuseen Aw Faarax,Cisman Diiriye Kulane,Aadan Tarabi,iyo qaar kaloo badan waana inta aan is leeyaha Maxamed waa sababta u saamaxday inuu noqdo dayax xidigo ku dhex jira.
Maxamed wuxuu ahaa fanaan ay ku urureen hal abuuro badan weliba kuwii ugu qaalisanaa geyiga,wuxuu ahaa laxamayste iyo muusiishan labadaba intiise aan akhriyayey buuga Foolaad ee dhiganaha taariikhdiisa waxaan ka halacsaday bogga 168aad heesta la baxday DEDDA’ GOOYE heestaan way ka duwan tahay kuwii hore ee loo dhiibi jiray,Maxamed isagaa heestan hal abuuray,laxameeyey,muusiga saaray,tumaya,codkana isagaa ku qaadaya waxaanu si dareen le ula hadlayaa kamankiisii uu magacan ugu wanqalay kamankaas oo illaa maanta nool  waxaaney tidhi heestu.
Anigoo dagaal
Dood iyo colaad
Iyo dirir ka imi
Oo dabeecadaydii
Tahay midaan dadkuba
U dulqaadan karin
Dejiyaha naftoow
Daadihiyahaw
Maxaan kula dulmaray
     Sida farshaxanka leh ee maxamed  uu midhahan iyo inta aan ka tegayba uu isugu sar jaray awooda uu u lahaa hal abuurnimada ayay muujinaysa,waayo hal yaqaan kasta bilowga weedhihiisa ayaa laga gartaa awooda tuducyadiisu ku dhisan yihiin iyo qotada qaafiyadeed ee uu isticmaalay,taasoo ay tahay maxamed alle haw naxariistee waxaad arkaysaa inuu sarkaxaadiyey hal abuur mahdiya, taanoo keliya maahee dhiganaha sooyaalka maxamed mooge ee Foolaad bogiisa 243aad waxaa ku xardhan heestiisii caanbaxday ee FARIIN WAALID,sharaxa heesta qoraaga buuga iyo qoraa isna boobe yuusuf ducaalaa ku fara yaraystay anigu waxaan u soo qaatay inaan cadeeyo hal abuurnimadiisii iyo fanaanku siduu maarka(lakabka) suugaanta uu u helay, waxay ina tidhi heestii fariin waalid.
Ha i hiifin aabow
Oo hay habaarine
Kama hadhine haybtay
Anigow horeeyoo
Halgankiyo dagaalkana
Waxa lagu hogaanshaa
Hawraarta maansada
Hanaanka iyo luuqdiyo
Guubaabo heeskiyo
Waa hadaladaydee
Sawtaan horow idhi
Tola’ay reer hargeysaw.
Waan hubaa buugani inuu hor dhac u yahay taariikh mug weyn oon ku koobnayn qof keliya ee ay wadaagaan asxaab badan oo waayo nolosha qaybaheeda saaxiibo ku ahaa, tiraab iyo toyoshabana ay ka dheexaysay, maadaama uu gundhiga intaa qarada le’eg uu yahay, dhaliil ma samaynayso iyo ceebayn toona balse dhinaca kale khaladaadka intaan ku arkay buuga amintii aan akhriyayey ee ka dhex muuqda marka la eego,waxaa kow u ah hab qoraalka, siiba heesaha,murtidu had iyo jeer qaafiyad ayay leedahay,qoraalka hadaan la hagaajin lagana fiirsana qaafiyadaa lunta,sidaa daraadeed dibu huf iyo hagaajin ayuu u baahan yahay. halku dhigyada la isticmaalay,micnaha ereyada qaarkood, Sida ku cad sooyaalka taariikhda maxamed mooge AHN boga 33aad illaa boga 41aad wuxuu ku ururiyey hal’muceedyo ama hal ku dhigyo laga soo ururiyey heesuhuu qaaday fanaanku, oo dhamaantood ah intooda badani murti afeed umadu leedahay ooy bulshadu halhays u leedahay, sidaa ay dadku u adeegsadaana ay iyana u adeegsadeen murti dhaadhiyadu, fanaankuna ku luuqeeyey  sida.
La joojiyaana banaan
La jiifiyaana banaan
  Sidoo kale waxaa ku jira
Haweenka iyo geelaba
Waa la hido raacaa
   Sidoo kale waxaa kamida
Waxay sheegtaba hawaydee
Waaba lagu shareeraa
   Had iyo jeer hal abuur maahmaah iyo halku dhig kay noqotaba inuu adeegsado abwaanku, waxay ka mid tahay af aqoonimada ama cabqari sanaantiise, markase taariikh laga reebayo ama ay qoraal gelayso, taasi fanaanka ma mulkisiinayso inuu ka tegey halku dhigyo uu leeyahay, sidaa darteed waxaan isleeyahay taasina sixid bay u baahan tahay.
Ta kale
Afka Soomaaligu waa af micnaha ereyadiisu aad u fog yihiin weliba lahjaduhu waxay keeneen kala duwanaasho badan taasoo shey keliya dhawr magac oo kala duwan loo yaqaano waana sababta afka u samaysa muunadda markase la micnaynayo erayga waa haboon in si feejigan looga fiirsado maadaama uu qoraal gelayo tusaale ahaan
CIRJIIDH=JEEGAAN ayaa buugu ku micneeyey mana aha ee cirjiidhi waa xidig ta aduunyadu u taqaano jupitar sidoo kale
LADH=WAA CILAD laabta kasoo kacda inta badana waxaa keena liqinyada,dheregta,ama xanuun, DOOJI= WADAANTA marka biyaha lagu soo qaadayaa la dhahaa ASARAAR= MURAN
BAYR= CABSI,BAQDIN,hebel bayr buu leeyahay ama jacaylka bayrbuu ka leeyahay
DIRGAN WAAYEY=DHAQAAQI WAAYEY
GOOF=WAA CEEL qodistiisa dhexda lagaga tegey ama aasmayba,aan biyo lahayn.
Inkastoo aanay dhaliilaha buugu badnayn hadana intii aan akhriyayey buuga waxaan dareemay in silsilada sooyaalka fanaanku aan in badan ku wareeray oo ay marba meel ila aadaysay,anigu waxaan jeclaa in taariikhda iyo heesuhuba siday u kala horeeyaan loo wado,balse qoraaga ayaa door biday inuu cutubyada sidan u dhigo.
waxaase ka badan kana mug wayn wanaaga ka buuxa dhextiisa iyo in weliba dabacaad kasta oo lagu sameeyaa ay daah furayso lib ka badan tii hada laga gaadhay.waxa kale oon ku talin lahaa in inbadan laga waraysto abwaanada ay kulmeen inta maanta ka nool dadka iyo asxaabtiisiiba. taariikhda marxuumkan aan ka sheekaynaynaa Foolaadna uu aad u lafa guray waa bad aan laga gayoonayn dhanay kaa xigtana aanad garanayn, waxaanse qoraaga buugan foolaad kula dardaarmayaa inaanu ka fadhiisan raadinta iyo dabagalka taariikhdan inta weli dahsoon,inta khaladaad ee jirtana uu dib u saxo, waxaan mar kale hawsha qoraalka buugan ugu mahad naqayaa qoraaga buuga oo aan leeyaha hanbalyo hawshanaad qabatay ku mahadsanid kun jeer,maalmo kale oo sidan ka bedelana insha Allah waynu ku kulmi doonaa hadba inteena nool.
Akhristayaasha mudana waxaan leeyahay Wixii qaldan ama aad karahsataa anay iga ahaatay iga raali ahaada hana ii qabanina wixii wanaagsana eebaa i waafajiyey haygu hanbalyayn ee ii bari eebe inuu ii denbi dhaafo

Mohamed Yaasiin Mohamed 

myaasiin143@hotmail.com

              

                      Belgium