Gaadhi Qof shacab ahi leeyahay Iyo Gaadhiga Wasiir xukuumada Somaliland ka tirsan uu leeyahay oo isku dhacay Iyo khasaaraha ka dhashay.

Gaadhiga uu leeyahay Wiil dhalinyar ah oo Reer Somaliland ah iyo Gaadhiga Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexan ayaa si xun iskugu dhacay .

Waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan inta la Ii xaqiijiyay waxa jira dhaawacyo gaadhay Dhalinyaradii saarnayd Gaadhiga Noohada ah.

Ciidamada Taraafikada ayaa hada soo gaadhay goobta shilka waxanay bilaaben baadhista.

Goobtan oo ay Ishaaro ku taalo una dhow Guriga Madaxweyne ku xigeenka iyo Xarunta CID-da ayaa waxa ku yaala Kamarado badan oo laga ogaan karo cida Shilkan khaladkiisa leh Ciidamada Taraafikaduna u soo bandhigaan muuqalka CCTV camaredu duubtay sidii ay hore ay ugu soo bandhigi jireen oo kale .

Luqmaan Maxamed