Gaadiidka xamuulka Dekedda Berbera badeecadaha ka gura ayaa ku jira xaalad adag+Sababta

1,700 oo Gaadiidka xamuulka Dekedda Berbera badeecadaha ka soo gura ayaa ku jira xaalad shaqo la’aan adag, Ganacsatada waaweyni waxay ku rartaan badeecadahooda Gaadiid ay leeyihiin, heshiiskii ahaa 20% Badeecadaha ay la soo degaan Ganacsatadu in ay rartaan, 80% Gaadiidka shacabku ka dheefo meesha wuu ka baxay xoogsiga iyo in kala macaashkii ma jiro. Gaadiidka waaweyn ee shacabku ku shaqaysto qaarkood 6 bilood hal lawdh may qaadin, waa xaalad u baahan in Xukuumaddu farageliso si loo ilaaliyo wada noolaanshaha danyar iyo taajir. waajib waxa ah in la kala xadeeyo Ganacstada xooga weyn iyo masaakiinta xoogsatada ah !
Xog- Maxamed Sidiiq.