Gacan-ku-dhiigle dilay Wasiir oo goordhaweyd lagu toogtay Muqdisho

Waxaa goor hore oo saaka ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalki ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi. “Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray