Gabadhii Caanka ahayd  Ee Burco lagu xidhay Nada Galow oo soo hadashay.

Muddo todobaada oo aan ku jiray saldhiga dhexe ee Burco iyada oo aan wax dambi la igu soo eedayn maanta waxaa laygu daray tacadigaa hore in la ii wareejiyo jeelka wayn ee Burco iyada oo la ii sheegay in la ii soo gooyay 14 cisho oo Xabsi ku hayn ah “Rummaan”. Illaa hadda ma jirto wax dambi ah oo la igu soo eedeeyay—waxa aan ku xidhan ahay waa caddaalad daro, eex iyo beegsi qof ahaanneed.
Caddaaladi waa ta eebbe..