Gabaygani waxa tiriyey Maxamuud Cabdilahi Rooble, Waxka bedel cimrigaaga oo ugu badnaan 70 sano ah . Oo aad u qaybisey 50 sano oo aad caasido Ilaahii ku abuuray iyo 20 sano oo aad xanuuno iyo gabow la ildaran tahay hadiiba aad gaadho 70.

Sidii caws la tuuloo dabeed, taraq la taabsiiyey
Goortey murtidu tiicdaybaan, taag ka joogsadeye
Matixgaliyo ruuxaan aqoon, tiirkay leedahaye
Tab iyo xeela maahiyo tacliin, meelfog loo tago e
Tamkiin maaha faal laga dayoo, taana waad garane
Tanaad weeye Eebuhu baxshoon, cidi ku taareyne
Ka tanaasul baan idhi hadana, wuu i tabayaaye
Sugaan taxeegii lumaan, toosi leeyahaye

Sidii roob tifleeyoo arlada, toos wada gaadhay
Talantaali iigama tagoo, taniyo waagiiye

Tawxiidka eebiyo xaqaa, lagu tanaadaaye
Tuhunkii galbeed lagu ogaa, waa tabtuu yahaye
Kola taabiciintii horaa, nalagu tiirshaaye
Tixda gabay tilmaan runa hadaan, hoga tusaaleeyo
Oo aan tafsiirkeeda galo, erayo tariikha
Idina waygu taabici markaan, dhigo tubtiisiiye
Aan tilmaamo tiro aan is idhi ,toban ma gaadhayso

Tacabkani aduun loo galaan, kuu turxaan bixine
Tartankani dadkoo dami calow, toosh la daba joogo
Iyo malag kusoo tu’inayaa, waaba kala taabe

Markaan tamar yareeyaa aduun, taajka lay sudhaye
Arligaan ku tamashlee lahaa, taako ugu meerey
Aqoon iyo waxaan tababar helay, een is idhi taabo
Turki iyo intaan Taajistaan , tacabir guureeyey
Tafahaan u xaytiyo intaan, tiigsi cararaayey
Iyo tii ilaah qoray ilayn, waaba kala taabe

Tawxiidka eebiyo xaqaa, lagu tanaadaaye
Quwadiisa taamka ah ayaan, toos u galayaaye
Tiir li’i Allaha taagay ee, taam ka dhigay uunka
Waa tacajib eegmada indhuhu, tamar u waayeene
Tiro laguma koobee nimcada, teedsan garabkeena
Timirtiyo tufaaxiyo midhaha, muuqa laga tuujo
Tayadooda wuu garan ninkii, tanag ka buuxshaaye
Ta’wiil Eebe weeyee cidlada, kama tabcaysaane
Isagaa wax tabantaabiyee, taa hala ogaado

Markuu taranka aadmigu batee, tohasho loo baahday
Isir tola ayuu kugu tirshay, magacyo toolmoone
Hayeeshee midkiinii taqiya, diinta taabacaye
Aadmigu markuu talax tago, waa bar kuma taale
Tamco weeye shaydaan u dhigo, ruux tafaafulane
Ninaw teelo hawdhigan aduun, waa tuf iyo hooge

Taanada ninkii uririyee, taajir lagu sheego
Iyo kii faqrigu taabtey ee, tii Allena jooga
Tirtirsiga ifkani waa intay, taadu ay galine
Marhadii tareen aakhiro, tigidhka loo haysto
Maxay tabasho ii tari aduun, tagaya weeyaane

Naf’aan tamar lahayn baan bustaha, tiirso leeyahaye
Hadaan turuqyo leeyahay, timuhu, ima cadaadeene
Taaloo ma goostiyo ilayn, taygii barigiiye
Tiri weeyi coofkii calow ,madaxa tuulaaye
Tunkii sida libaax tiigsanaa, toosin kari waaye
Murqihii tidcamay waa kuwaa, tiicay caliyowe
Toocsiga haweenkana ka tagay, taakhigii hore e
Talaabada marbaan raaci jirey, qaar tolkay aha e
Marbaan sida tiriig shidan ahaa, tabay wanaagiiye

Tamashlaha jidhkii toosaana ,wuu tukubayaaye
Togagiyo waxaan uga baqaa, meelo taagsimo e
Haday tiro guyaal ii hadheen, tabane weeyaane ( dhawr gu)
Waqti ila taraaraa i baday tiiha soo jiraye
Talaahi ‘e hadaan towbadii, tiigso leehaye
Aan tukado salaadii Alley tiisa noqotaaye

Subaxaa talaadada ah iyo, waaga soo talaf leh
Wadku inuu tacaal igu odhan, amase aan toosi
Oon nolol kusii taami waa, tuhunkii beenaade
Hadayse taydu baaqi ay tahaan, talo I dhaafayne
Aan tukado salaadii Alley, tiisa noqotaaye

Afartaa tusmada sawma dhigin, teelo iyo waano
Sow sida tastuur uma qorin, tawali waa ceebe
Afar kale hadaan ugu tolo, waa tabliiq kaniye
Cidla lagama tookhee hadaan, taabto xididkiisa
Oo aan tiyaaqoon murtida, teeda wacan sheego

Marhadii cimrigu kugu tunto, waa tabtaan ahaye
Oo aad cunada tii wacnayd, taag u heli weydo
Tacdarida waqtidu keenay iyo, tamar yaraantiisa
Taxliil kuma dawaysiyo inaad, Taywan qabataaye
Taraawiixdu yey kaa tagin, Taladu saw maaha

Tiiraanyo uugama fadhiyo, waa tuf iyo leefe
Waa tiro dhimaanoon marnab,a toban aan gaadhayne
Tirsigeeda kii doonayaa, haw durbaan tuma e
Tamcadii aduunkani ibaday, tuuray xadhigiiye
Aan tukado salaadii Alley, tiisa noqotaaye

Maxamuud Cabdilahi Rooble
robleamin@gmail.com