Gabiley iyo Somaliland!!!

Waxa aynu aragnay sawirada dhismaha xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Gabiley. Waxa xujo wayn ah; maxa mashaariicda laga fulinayo Gobolka Gabiley loo qariyaa marka la bilaabayo ilaa marka la dhamaystirayo? Wallee waa xujiyo yaab waxa Somaliland ka socdaa! Iminka haddii Gobollada Bariga laga dhisayo hal qol ama hal Musqul waxa loo wada yeedhaya warbaahinta kala duwan, waxana ka qaybgalaya dhagax dhigista raxan wasiiro ah iyo madax kala duwan!.
Waa sax oo Gabiley xaq bay u leedahay in laga dhiso Madaxtooyo qurux badan balse iyada oo aan Caasimaddii labaad ee Somaliland waa magaalo madaxda Gobolka Togdheere ee Burco’e aan laga hirgalin wali xarun madaxtooyo oo casri ah ama tan Gabiley u dhiganta; maxa Gabiley loo doorbiday oo ahmiyada wayn loo siiyay sidoo kalena maxaa loogu qariyay oo hulaabta wayn loo saaray? Waa waydiin shacabka reer Somaliland u taalla.
“Ilaahayoow Eex ma tiraabine aqoon ha igu cadaabin ” Gaariye AHUN.
Gabiley waxa lagu wadaa in laga dhigo magaalo la mid ah ama la dabeecad ah magaalada Caanka ah ee ka mid ah magaalooyinka cariga Maraykanka ee California. Waana meesha uu is leeyahay Ina Cadarka hadda magaciisa loo aqoonsaday; Muuse Xuseen Cabdikariim, kaas oo ah muwaadin Jabuutiyaan ah isla markaana Jilaya ficiladii Macallinkiisii waynaa ee Kornaylnimada gaadhsiiyay waa Siyaad Barre’e sidoo kalena raba in uu ku dherersado Ismaaciil ka Jabuuti Addoonsaday in uu dego marka ay u suurtagasho Boqortooyada uu damacsan yahay in uu Somaliland tii yarayd ee doorashada loogu wareejiyay ka dhigto. waaba haddii loo ogolaado’e.
“Haddii kale yeelkeede, aynu iska wada degno Gobalka la yidhi wuu caggaaran yahay ee magaalada California! Si aynu Boqortooyada ugu wada adeegno si daacadnimo ku jirto”.
Reer Somaliland waxa aan leeyahay kala doorta Boqortooyo Gabiley laga maamulo iyo Somaliland la wada leeyahay oo Doorasho iyo dimoquraadiyad caafimaad qabta la isku afgarto oo lagu wada dhaqmo shuruucda, xeerarka, dhaqanka, is maqalka, tanaasulka iyo is dhagaysiga togan isla markaana Caasimadda Hargaysa laga maamulo. Ficilada Askarta haddii aan hadda laga hortagin oo aan waliba iska caabin adag lagu hor istaagin damaca iyo doonista Gurracan ee jilayaasha Kelitalisnimo, taas oo aan wali Qaangaadhin. Reer Somalilandoow ogaada haddii ay Askartu idinku Qaangaadho ma heli doontaan meel aad ka soo qabataan Xoriyaddii, sharaftii iyo karaamadii uu ilaahay idin siiyay. Waxana noqon doontaan kuwa dullaysan oo dushooda diif, diihaal iyo diraac jiilaal ku wadhan tahay.
“Talo waa mar aad garan waydo, iyo mar aad gaadhi waydo”.
Waxa Qoray

Mukhtaar Maxamed