Waa Duni gaabaabsi ah oo qiyaamihii qarka u saaran, se Cid wax DHuganaysa oo Wax DHaadaysa ayaa yar!, waayo wax walba Dad loo sheegay ayeynu nahay oo Diggeyaal ama Nabiyo Alle usoo diray, oo wax walba Allahii ina abuuray ina soo war geliyey, Ha ahaato Waxaynu Ku Dhaqmi lahayn iyo wixii aynu Ka Dhowrsan lahayn, waxa ina soo gaadhay Kitaabkii Erayadii iyo Xikmad Hadalkii Alle sw Ku Xardhanaa, Allaheena Weyn ee weligii Jiraha ee Joogaha ah Mahadi haka Gaadhee taabkuu inoogu jiraa, waxa kale oo inoo Dhitaysan oo inoo Gowdiida Waanadii iyo wax sheegi Nabigeenii Maxamed NNKH, hase yeeshee Cid ay ku Duxeen wax sheegii Alle SW ee Nabigeenii Maxamed NNKH inasoo Gaadhsiiyey ayaa iska yar,
Waayo? Xadiis ayaa ahaa Hadii goob Dirrir Alle iyo Diinta suuban darted ah, ay si qaldan isku wajahaan laba Asxaabi oo mid kood la dilo kii wax dilay iyo kii la dilay, Labaduba NAARTA ayey ku Aroorayaan ama galayaan!, saa layidhi oo kii wax dilay garanaye ee Kii la dilay waayo? Saa digihii Alle yidhi Seefta ayuunbaa hor leeftay ee isaguba inuu wax dilo ayuu doonayey!, eeg waa laba Muslin ah oo isku Qaldamay oo si kama’ ah goob dirrireed isku wajahay!, Waa maxay xikmada ku jirta ee xadiiisku xambaarsan yahay?.
Xikmada Xadiiska dhex gowdiidaa waxa weeye Hadii Dirrir Alle dartiiya iyo Diinta suuban aad Gasho waa in aad ku dhawaaqdaa oo Afka ku haysaa waxa bilaawaha iyo gaal-leefta u qaadatay ee aad wax u waraymaysaa waxa ay tahay, Oo waa in aadan Afka ka day sababta oo ah Alle dar tii oo waa in aad tidhaahdaa si aan kala joogsi lahayn AALE AYAA WEYN iyo ALLE MOOYEE ILLAAH XAQ LAGU CAABUDAA MA JIRO, marka intaa aad Afka ku haysid ee aadan kala joojin hadii ruux isku meel ka ridaysaan si ka’ma ah isasoo wajahdaan wuu ku garan in aad isku saf tihiin oo wuxuu odhan intaad Afka ku haysay iyo walaal Alle ayaa weyn ee waa inakiiye dhabarka dhabarka iisaar aynu gaalada jabinee!, Se Hadii inta ilkaha aad is qaniinsiiso oo si cadho iyo ciil leh Seefta mariso cidii kusoo wajahda Alle dartii u dagaallamimaysid!.
Hadal iyo Dhamaan Dadka isku Afka, Suugaan, Dhaqan, Midab, Sasaan, Deegaan, Duunyo, Dagal, Diin, Hido, Dhaqan, Maal iyo Maryaha ah ee iyaga oo is og inay intaa wada leeyihiin oo weliba Diinta Suubana weliba isku Suni isku Mad-hab yihiin, taas oo u saafaysa Xalaasha iyo Xaaraanta oo odhanaysa Qofka Muslinka ah DHiigiisa, Maalkiisa iyo Sharaftiisu Kaa Caagan, hadana iyaga oo Alle ayaa weyn kuwada dhawaaqaaya ayey safaf Hub iyo dirrir isku wajahaane, Madiintayna Aqoon? mise waa Ummad Naar u Xusul Duubatay?, Gala-Dagaalka Guud Caddaalayaasha Duubka leh ee Guubaabada Dirrirta kuwada Goohayaa waa Madax-saar loo rogay Mijo-saare, iyana ma Qoomkii Dijaal-Cawar oo Degelkeena loosoo hormariyey baa?, Dhulku inakoo jirin ayuu Alle Sameeyey oo uu jiray, Inteena Maanta Ku Guud sugana sidii Dadkii inaga horeeyey ayeynu wada Hoose mari ee Ruuxa Dhul u dhimanayow xagay Diinta kaga taalaa Dhulka Alle U Dhinta? Kii Dagaalama iyo kii Guubaabiya iyo kii Maal geliya Dagaal u dhaxeeya dad muslim ah oo isku Qoomiyad ah meel Qoomamo leh ayuu ku danbayn iyo Cadaab oo Hubaal ahe Waar is Badh qabta Hooyoleyey iyo inta Muslinka ah ee dhulkii Hooyo nalasoo Degtaay. .
Dhulkii Barakaysnaa
Soomaal/Soolis/Soodhiiji ayaa Baabiisay.
Khadar Hooyoley
Fartaagmuwaadin@gmail.com