Ganacsade Soomaaliya oo mar u shaqeyn jirtay 150 Qof hadana iska dhiibay Dalka Jarmalka

Maxamuud Carab
Maxamuud Carab

Ganacsade Soomaaliyeed oo ka soo qaxay caasimada Ukraine ee Kyiv ayaa 12 maalmood ka dib duullaankii Ruushka gaaray dalka Jarmalka.

Gnaacsadahan ayaa ka hor inta usan soo gaarin Jarmalka soo maray caasimada Poland ee Warso.

“Waxaan gaaray Jamalka islamarkana waxaan magangalyo waydiisanayaa dowladda si ay iiga gacan siiso in aa noolal cusub halkan ka bilaabo ” ayuu yiri Maxamuud Carab.

Maxamuud Carab ayaa wadada ku soo jiray 4 maalmood ka hor inta uusan soo gaarin xudduuda Poland , waxaa uuna ahaa qof nasiib badan maadaam uu dadka kaga duwanaa in uu haystay lacag uu gaari ku kireysto.

Balse caqabada kale ee soo wajahday Mr Carab ayaa ah in ay saameysay cunaqabateynta ay dalalka reer galbeedka ku soo rogeen Ruushka.

Mr Carab ayaa sheegay in uu la daalaa dhacayo oo ay ku adagtahay in uu iska bixiyo qarashaadka iyada oo ay jirto in lacag haysto.

“Akoonkii aa ku lahaa bangi ku yaalla Kyiv lacag kalama bixi karo, dad aan asxaab iyo qaraabo nahay ayaa imika dhaqaala ahaan ii taageera .” ayii intaa ku daray.

Kaarka bangiga ee uu wato ayaa waxaa uu lacag kala bixi karaa oo kali ah gudaha dalka Ukraine, maadaama uu ahaa qof ajnabi ah oo ku nool Kyiv,.

Gancsadahan Soomalaiga ah ayaa imika magangalyo waydisanaya Jarmalka isaga o u sii maraya hay’adda socdaalka caalamiga ah ee (IOM) si ay ugu suuragasho in uu helo lacagta u taalla bangi ku yaalla dalka Ukriane.

Maxamuud Carab ayaa imika ku sugan magaalada Kassel halkaasi oo uu shalay gaaray ka dib markii uu wadada ku soo jiray muddo 4 maalmood ah.

“Ma qiyaasi karo in shalay aan ahaa nin haysata ganacsi faa’iido badan oo aan wax dhoofin jiray, balse imika waxaasi oo dhan way lumeen, halkaas ayaan wax walba uga soo tagnay, waxaa aan sidanaa oo kali ah boorso” ayuu yiri Mr Carab.

Maxamuud Carab
Maxamuud Carab

Maxamuud Carab iyo ganacsato kale oo shirkad ay ahaayeen ayaa dharka hudheyda iyo qalabka electroniga u soo dhoofin jiray qaar ka mid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.

Dalalka uu badeecooyiinka keeni jiray oo ay u soo diri jireen waxaa ka mid Soomaaliya, Kenya, Jabuuti and Itoobiya.

Badeecooyiinkan oo intooda badan ay badda soo marin jireeen ayaa imika joogsaday maadaama dalka Ukraine uu galay dagaal.

“Waxaa Ukraine ku sugnaa qiyaastii 6 sano, anaga oo dhoofin jirnay badeecooyiinka celiska ah , hadda waxaan u maleynayaa in wax walba y burbureen, waa xaalad adag ,” ayuu yiri Mr Carab .

“Waxaa markii aan Ukraine joogay ii shaqeynaysay 150 qof islamarkana ganacsigeyga ayaa dhanaa qiyaastii $300,000,”.

Qaramada midoobey ayaa ku qiyaastay dadka ka qaxay dalka Ukraine tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay in ka badan 1.3 milyan oo qof .

Dadka ka s qaxay dagaalka Ukraine ayaa waxaa ay intooda badan gaarin dadka darinka la ah ee oland.