Ganacsade Soomaaliya oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi Xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noola dalkaasi.

Ganacasadaha Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali, waxaana burcada ay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay xaafada New Brighton oo ka tirsan magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

 

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kooban oo la sheegay ineysan kasoo bixin wax natiijo ah, maadama burcada ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ka hor inta aysan ciidanku tagin.

Koonfur Afrika waxaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhaayay dilalka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo dowladda dalkaasi mar walba ay sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada iyo dilalka lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay, hadana ma muuqato wax isbadal ah ama ficil ah oo ay dowladda dalkaasi sameysay.

Shalay ayay aheyd markii ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town ay xarig iyo jirdilo xoogan ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan kuwa dalka Koonfur Afrika oo u xil saarana sugitaanka amaanka dadka ajaaniibta ah, hayeeshee iyagii amniga loogu talo galay ay bilaabeen dhibaateynta dad ajaaniibta ah oo markii horeba ku dhib qabay burcada hubeysan ee u dhalatay dalkaasi.