Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Laascaanood, kaddib maalmo ay halkaa ka socdeen isku dhacyo sababy dhimasho iyo dhaawac.

Qaar kamid ah ganacsatada ku nool magaaladaas, ayaa dib u furay xarumahooda ganacsi, waloow ay ka cabanayaan in ganacsiyadooda aad u hooseeyaan maadaama aanay jirin dad badan oo wax ka iibsada.

Gabi ahaanba waxa istaagay isu soo baxyadii iyo rabshadahii magaalada ka taagnaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxa se wali hawada ka maqan adeegii Internet-ka oo ay ganacsiyo dhowr ahi ku xidhnaayeen