Gantaakki Ruushku sida Fiinta uga qaliyey oo Maraykanku ku deeqayo Ukraine

Nidaama Difaaca Patriot

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey gantaalka Patriot ee nidaamka difaaca dalka Ukraine lagu xoojinayo in Kyiv ku deeqayo.

Gantaalkan nidaamka difaaca hawada ayaa ah mid looga hortagayo weerarrada gantaalaha iyo diyaaradaha ee aan duuliyaha laheen e Ruushka.

Tan iyo bishii february oo uu dagaalka Ukraine billaawday Kyiv waddamada reer galbeedka waxay ku taageereen gantaalaha difaaca hawada loo adeegsado.

Gantaalahaasi oo la rumeysan iney gacan weyn ka geysteen iska caabbinti xoogganeyd oo ay ciidamada Ruushka kala kulmeen kuwa Ukraine.

Gantaalka Ptriot uu Mareykanka siinayo Ukraine ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ay ciidamada cirka Ukraine uga hortgayaan gantaalaha casriga ah uu Ruushka dagaalka u adeegsado.