Gantaal Nooca Ballistic-ga Dalka Turkiga sameystay oo xogtiisa la fashiliyay

Erdogan iyo militeriga Turkiga

Turkiga ayaa tijaabiyay gantaal bartamihii bishii October, waana markii ugu horreyay ee uu sameysto hub awooddaas leh.

Soo saaridda gantaalkan oo sannado badan socotay ayaa si qarsoodi ah loo fuliyay. Gantaalkan ayaa gaaray masaafe dhan 561 kilomitirmuddo 456 ilbiriqsi ah, markii ugu horeysay ee la tijaabiyay, isagoo laba jibbaaray xaddiga gantaallaha ugu casrisan ee Turkiga.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Tayfun ayaa laga soo tuuray Rize ayaa 456 ilbiriqsi gudahood ku gaaray xeebta Sinop, isagoo dul maray badda madow. Waa gantaalkii ugu horreeyay ee riddada gaaban ee ballistic-ga oo uu Turkigu yeesho.

Tijaabada gantaalkan, horey looma shaacin, hase yeeshee, muuqaal lasoo dusiyay ayaa 18-kii bishan October lagu faafiyay wakaaladaha wararka.

Tallaabadaan oo ku soo beegantay xilli ay xiisad ka taagneyd badda Aegean, ayaa markaas ka dib lagu soo qoray wargeysyo iyo telefishinno caan ku ah in ay dhanka dowladda u janjeeraan.

Warkaan waxaa walaac ka muujiyay Giriigga, iyadoo uu doonayo in kor loo qaado awoodihiisa difaac iyo ciidan ee qalabka difaaca iyo diyaaradaha dagaalka ee laga soo iibsado Mareykanka iyo Faransiiska.

In kasta oo ay dawladdu muddo aamusnayd hadda markii uu soo shaac baxay mashruucan qarsoodiga ah ee gantaallada ballistic-ga ah, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan wuxuu markii ugu horreysay meel fagaare ah ugu dhawaaqay gantaalka Tayfun, inkasta oo aanu faah-faahin dheeri ah ka bixin.

Xilliga uu arrintan ku dhawaaqayay Erdogan wuxuu ka qayb galayay barnaamijka “Blockchain Istanbul” ee dhacay 21-kii Oktoobar.

Haddaba muxuu Tayfun uga dhigan yahay difaaca iyo awoodda milateri ee Turkiga?

Duuliye Sare Beyazıt Karataş ayaa isagoo la hadlayay BBC-da laanteeda Turkiga waxaa uu sheegay in “ka hortagga lagu kordhin doono” gantaalkan cusub ee ballistic-ga ee loo diyaariyay difaaca dalka.

“Waxaan horumarineynaa gantaalkan, ma ahan inuu halis ku yahay dariskeenna, laakiin ujeeddadu waa si aan u kordhino ka hortagga dhammaan waddamada bartilmaameedsanaya dalkeenna. Hubka noocaan ah ee lagu soo saaro warshadaha difaaca ayaa wax weyn ka tari doona difaaca dalka,” ayuu yiri.

Maxaa laga og yahay waxa uu ka sameysanyahay gantaalkan?

Turkiga ayaa sanado badan ka shaqaynayay gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dhexe labadaba iyo qalabka difaaca hawada. Dhanka kale, waxaa la og yahay inay Ankara ku dartay agabkeeda ciidanka gantaallo ay dibadda ka soo iibsatay oo la jaan-qaadi kara kuwo badan oo dunida laga adeegsado.

Gantaal

Gantaalkan Tayfun oo ay ka shaqaynaysay Roketsan, oo ah hay’ad dawladeed oo la aasaasay sanadkii 1988 si ay u daboosho baahida gantaallada iyo agabka kale ee ciidamada Turkiga ayaa wax weyn ka beddelay gantaallada kale ee ay soo saarto Roketsan oo leh masaafo ka badan 500 oo kiloo mitir.

Gantaallada ballistic-ga ah ee ay soo saartay Roketsan waa “gantaallo masaafe dheer safri kara”. Si kale haddii loo dhigo,  waa gantaallada loo isticmaalo goobaha dagaalka iyo in lagu rido bartilmaameedyada istiraatiijiga ah ee riddada hoose.

Kan ugu horumarsan gantaallada Turkiga oo lagu magacaabo Bora, waxaa laga riday gaariga weyn ee ay awooddiisu tahay 8×8 iyo gaariga kale ee loo yaqaanno Roketsan Multi-Barrel, waxaana ay gaaraan masaafo dhan 280 km. Bora, oo leh madax dhan 470 kiiloo garaam ayaa 50 mitir oo keliya ka qaldami kara bartilmaameedka loo wado.

Xogta ku saabsan Tayfun iyo goorta lagu dari karo liiska hubka Turkiga ayaan lala wadaagin dadweynaha. Hay’adda Roketsan ayaa shacabka la wadaagta macluumaadka ku saabsan mashaariicda looga shaqeynayo howlahan, hase yeeshee kuma jiraan wax macluumaad ah oo ku saabsan Tayfun.

Jeneraal Beyazıt Karataş ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in gantaalkan oo si guul leh loo tijaabiyey la geyn doono qaybta ku habboon sanadka soo socda.”

“Waqtiga maareynta mashruuc kasta waa la go’aamiyaa. Waxaa jira qorsheyaal isugu jira nashqadeyn, tijaabin, wax-soo-saar iyo keenid, laakiin ma ogaan karno ka hor inta aysan dhicin. Qiimaynteydu shakhsi ahaan waxay tahay in sanadka soo socda lagu dari doono Tira-koobka Taliska Ciidanka Dhulka”.

Gantaalkan wuxuu leeyahay muhiimad kale oo dhanka masaafaha ah

Sameynta gantaalka Tayfun waxa ay horumar muhiim ah u tahay waaxda difaaca ee dalka Turkiga, sababtoo ah gantaalkan waxa uu ka dheereeyaa masaafihii hore loogu xaddidnaa ee ahaa 300 oo kiiloo mitir.

Gantaalka Tayfun

Hay’adda xakameynta riddada gantaallada ee magaceeda loo soo gaabiyo FTKR, oo iyadoo uu Mareykanka horkacayo la aasaasay 1987-kii ayaa diidda in la sameysto gantaal dhaafi kara 300 km.

 Arrintaas oo ay dalalka xubnaha ka ah hay’addan ku heshiiyeen ayaa sidoo kale looga goll leeyahay in lagu xaddido dhoofinta iyo faafinta gantaallada riddada dheer, kuwaasoo meelaha ay gaari karaan ay fog yihiin.

Sida laga soo xigtay hay’addan ay dowladdii Turkiga ku biirtay sanadkii 1997-kii, Turkiga waxaa mamnuuc ka ah inuu sameysto ama dhoofiyo gantaal dhaafi kara masaafe dhan 300 km iyo in culeyskiisu uu ka bato 500 oo kiiloo garaam.

 Waxaa kale oo Turkiga mamnuuc ka ah in uu soo iibsado qalabka lagama maarmaanka u ah sameynta gantaalladaas iyo tiknoolojiyad ka baxsan tan ay horay u heysteen, sida ay ku warrameen saraakiisha hay’adda.

Waxaa hay’addan lagu dhaliilay in waddamada ku jira qaarkood ay sameystaan hub aad u awood badan islamarkaana ay dalal kale xannibaad saaraan.

Turkiga

Sanadkii 2012-kii, Kuuriyada Koonfureed ayaa ku xad gudubtay xeerkaas, iyadoo sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay sare u qaadday khatarta iyaga ka dhanka ah. Xukuumadda Seol ayaa sidoo kale xilligaas heshiis la saxiixatay Mareykanka.

 Hadda oo Turkiga uu markii ugu horreysay sameystay gantaal gaari kara masaafe ka fog 300 km waxa ay tallaabadaas muujineysaa in ay qaaten go’aan iskood ah, iyagoo aan meel kale kasoo qaadan tiknoolojiyad.

Haddii la xaqiijiyo in arrintan aysan xad gudub ku ahayn xeerka hay’adda xakameynta hubka, waxaa hubaal ah in Turkiga uu wixii hadda ka dambeeya sameysan doono hub kale oo sidaas kasii casrisan.

Qaar ka mid ah wargeysyada ku dhow xukuumadda Ankara iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa soo saarista gantaalka Tayfun u adeegsaday fasiraad kale oo ay ku sheegayaan in tani ay tahay tallaabo lagu sii xoojiyay waaxda difaaca.

 Macluumaadka ku saabsan gantaalkan cusub weli si rasmi ah looma shaacin, sameyntiisana waxa ahayd mid loo fuliyay si qarsoodi ah.

Sidaas awgeed, natiijada la xiriirta saameynta uu yeelanayo gantaalka Tayfun waxa ay usoo bixi doontaa si tartiib tartiib ah, waxayna qeyb ka ahaan doontaa macluumaadka soo kordha ee ku saabsan laanta gaashaandhigga.