GARASHA GARAB WEYDEY MAGACA BUUG AAN SOO WADDO. BULSHADANA RABO INEY KA FAA’IIDEYSTAAN SIIBA DHALINYARADDU

@Copyright (Garasha Garab Weydey)
Diwaanka Qalinleyda Soomaaliyeedd.
Qalinkii iyo Maskaxdii. Abdirizak Diinaari

Buugan aa kaga hadlayo nolosha Bulshadeena oo la magac Baxey. (Garasha Garab Weydey) oo ka kooban

● Arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda luntey
● Dhaqanka Soomaalidii hore, gobanimadooddii
● Qoyska bulshadda Soomaaliyeed ee qurbaha

Waa meerisyo aan ka qorey, intaan noola iyo waayo aragnimo aan ka dhaxley wayeelka Soomaaliyeed ama aan ka guntey hab-dhaqanka bulshadeena ama aan anigu shaqsiyan u ahaa goojoob.

Waan xaab tiraya. Anoo ka duulqaya akhrista buwaan badan aan akhriyey. Si aan bulshadeena ula wadaago wax anfaca ama u noqon kara aragti xasuus iyo dhaxal irmaan aan marnaba duugoobin.

Anigu qoraaladda Soomaaliddu ima kala duwana buwaag badan akhriyey oo ragbadani qoreen intooda badan waa dhinteen oo ka soo kala jeeda 5 Soomaaliyeed ey degtoba.

Sidaad darteed waxaan jeclaystey, Anna in aan ku deydo ama isku dayo. Dhalinyaradda la wadaago. Waxey ka dhigtaan soyaalka Taariikh ee dadkoodu soo mareen ama maanta waayaha taagan iyo kuwii shalley. Si ey u barbardhigaan mustaqbalka fog ee bulshadda caalamku ku socoto.

Qeybo ka mida waxaan ka qaatey farshaxankii Suugaanteena oo aad mooda iney tahey Taariikhda dhabta ee umadeena meel ey joogtoba soo martey. Waayo gabeyga iyo heesahu waxey tabinayeen bulsho nololeed. Sababtoo ah luuqadda. Afsoomaaligu waa qani hal abuurkiisu

Cilmiga Philosophy waxaad mooda in eynu u dhalaney bulsho ahaan. Waayo Soomaaliddu waa (Oral) society hadey qori lahayeen waxey afka ka sheegaan waxeynu noqon umadda addunka lagu deydo. Waayo xikmadda nolosha iyo hal abuurkeenu ma liito.

Waxase ina diley xikmadeeni makhaayad bey ku luntey. Ragii horena cid wax ka qortey iska daaye inteena wax qortey baan soo xigan. weedha ey yidhaadeen oo ah kuwa nolosheena ku saabsan.

Sidaas darteed baan ku talo galey, Intaan ama akhriyey ama rag waaweyn la kulmey inaan isku soo xooriyo, itaalkeyga.

Buugana magacan baan u bixiyo. Anoo bulshadeena u qeybiyey saddexda qodob aan kor ku soo sheegey. in aan midba qeyb ka qoro. Hadii alle igu simo waan soo saaraya mustabaqalka dhow.

Waana saddex qodob oo mucweyn oo balaadhan. Balse waxaan rabaa in aan u ibo fura soyaalka mustaqabalka fog dhalinyaradeena.

Sawirka Geldiga Muqaalkan baan u doortey, oo ah Muqaal nin Soomaaliyeed oo muujinaya dhaqankeeni. Faabreebakana rag waaweyn baan la wadaagey. Insha alaah waxaan rajeynaya in aan soo bandhigi doono. Maalinta alle qadaro.

Qoraalku waa wax aan sahlaleyn u baahan inaad macaal doorato kelmadaha ku haboon tabinta ku dhisan dhaqanka iyo asluubta erey bixinta. Markaa intaanad soo saarin marwalba waxaan la wadaaga qofka aan isleeyahey waxbuu ka saxi karaa ama hore wax u qorey. Siiba ragga waaweyn.

Taasina waxey keenta in aan dib u saxo meelo badan oo ku saabsan fahamka dadkeena iyo kelmadda ku haboon.

Marna waxey igu kordhisa waxaan ka tagey ama qof markuu arkey godladdey oo wax igu kordhiyey. Si aan ugu daro meelo aan ama taariikh khadley ama qodobo aan ka tagey oo aan isleeyahey bulshaddu way xiiseyneysa ama waxbey tareysa mustaqabalka fog.

Isku soo wadda duubo.
Qoraalku waxu u bahan yahey
Taxadar fara badan iyo inaad ku
Dedaashey inaad qorto waxii
Xaqiiq ah ee dhaqan iyo Taariikh
Ama Bulshaddeena ku Saabsan.
Waayo qoraalku waxu nolaadda
Qofka qorey in ka badan noloshiisa

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari