Writen by Qaran News |

Garoonka Diyaaraddaha Oslo Oo Lagu Qabtay Qaad Ka Yimid Soomaaliya+Cidii lagu qabtay & Xoggo kale oo xasaasiya

 

Ciidamada ilaalada xuduuda Norway ayaa gacanta ku dhigay rag Soomaaliyeed oo tahriibinayay ama waday Qaad miisaankiisa lagu sheegay 94 kg.

Qaadkan oo saarnaa gaadhi ka diiwaan gashan dalka Swedan ayaa wuxuu ku jiray boorsooyin iyo baco gaadhiga qeybta danbe ka saarnaa, waxaana xabsiga loo gudbiyay darawalkii gaadhiga oo la qabtay.

Waxaa kaloo ciidamada booliska Norway ay garoonka diyaaraddaha Oslo ku qabteen labo nin oo soomaaliya oo boorsooyin ku waday 73 kg oo ah Qaad ay kasoo qaadeen dalka Somalia.

Labadaan nin ayaa waxa la wareegay ciidamada booliska saldhiga Gardermoen ee garoonka diyaaradaha Oslo, halkaasi oo lagu xidhay.

Labadaan dhacdo ayaa waxay dhaceen 6 bishii Janaayo wixii ka danbeeyay, sida lagu soo daabacay wargeyska Demo Kraten.