Writen by Qaran News |

GARSOORKA SOMALILAND SIDEE AYAY UGA GAR NAQI KARAAN DORSHADA 2017-KA Hadii muran yimaado

Somaliland waxa ka jira garsoor ay maamusho xukumada markaas talada dalka haysaa. waxana arintaasi sharci ka dhigay dastuurka somaliland oo awooda ugu badan siyay xukumada (fulinta) madaama ay dawladu ka kooban-tahay sedex waxa,od oo kala aha

1-garsoorka(maxkamada sare)
2-fulinta(xukuumda)
3sharci-dajinta(wakiilada iyo fulinta)

Sedex-dan qaybood waxa ka kooban dawladnimada somaliland sida ku cad dastuurka somalialand, waxana awooda kowaad iska leh fulinta. halkii ay ka noqon lahayeen sedex waxa’od oo siman.
garsoorka somalilnd ugu sareeya wa maxkamada sare oo dastuuriya oo si toos ah u hoos tagta waax’da fulinta ee xukuumada

Gudoomiyaha maxkamada sare iyo dhamaan garsoorayasha maxkamada sare waxa magacaba m/waynaha oo digreeto kusoo magacaaba sidoo kale waxa madaxwaynuhu awood u leeyahay inuu kala diro gollaha maxkamada sare

Garsoorka somalaialnd wuxu si toos ah gacanta ugu jira kolba xukuumada markaas jirta oo si toos ah usoo fara galisa maxkamada sare madaama uu godomiyaha maxkamada sare wax awoodo ah oo madax-bananiya lahayn

garsooraha ugu sareeya maxkamada. wuxuu lamid yahay wasiir xil ka haya xukuumada taasina waxay suurta galisay in maxkamadu gacanta ugu jirto kolba xukuumada markaasi jirta .sharciguna uu noqdo mid gacanta midig ugu jira xukuumada

waxa jira wadamo badan oo caalamka ah iyo kuwo afrikaan ah ‘oo ka garsoor wanaagsan somaliland oo ah wadan islaam ah .

shuruudaha looga bahan-yahay garsoorka qaran leeyahay si cadaalad loo helo wa in qarankaasi uu yeshaa garsoor madax-banaan.

hadaba dhawr qodob ayaa saldhig u ah in la helo garsoor madax-banaan

1- in maxkamada sare ee qaranku ay ka madax-banaanato xukuumada ama fulinta isla markaana aanu madaxwaynuhu magcaabin gudida maxkamada sare

2-in garsoorku uu u madax-banaanado dhaqaalaha iyo inkaaniyadka uu u bahanayahay sida mushaharaadka iyo kabka dhaqaale ee garsoorka oo aanay udaba fadhiisan xukuumada

si loo helo garsoor madax-banan waxa loo bahanyahay in magacabista xubnaha maxkamada sare ay ka yimadaan dhawr melood Tusaale; sida komishanka dorashoyinka oo kale; ;

1-sedex xubnood waxa soo magacabaya golaha wakiilada
2-sedex xubnood waxa soo magacabaya gollaha guurtida
3-sedex xubnood oo kale waxay ka iman karaan xukumada iyo xubno kale oo ka iman kara gollaha garsooryaal madaxbanaan

xubnahan ayaa si madaxbanan iska dhex dooran kara gudoomiyaha maxkamada sare taasina waxay suurta galin kartaa in la helo cadalad wanaagsan

doorashada dhawaan ka qabso-mayasa hadii uu ka yimaado muran iyo khilaaf.
meesha la iskula soo noqonayaa waa maxkamada sare oo u keeb xidhan xukuumada xisbiga kulmiye .gudoomiyha maxkamada sare waxa magacabay m/waynaha somaliland oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee kulmiye hadaba wax is waydiin leh sidee ayay maxkamada sare ugu gar-naqi kartaa xisbiga kulmiye iyo mucaaridka somaliland? jawaabtu waa maya

gudida maxkamada sare waxay si toos ah, uga tirsanayihiin xukumada kulmiye marka xaqiiqada laga hadlo sida wasiirka oo kale ayay shaqada uga tagayaan gudida maxkamada sare hadii xisbi kale oo mucarid ah ku guulaysto doorshada somaliland.sidaas darteed waa in gudida maxkamada sare ay la halgamaan xisbiga kulmiye sida gollaha wasiirada oo kale .xisbiyada mucaaridka somaliland waxay shegaan in maxkamada dalka aanay ka jirin cadaalad fiican taasin waa fariin si toos ah ugu socota garsoorka somaliland ,taasina waxay sii xojinaysaa in garsoorku uu la dhinac noqdo xukumdii magacawday iyo xisbiga kulmiye

Hadii muran ka yimaado dorashada somaliland ee 2017-ka oo ay ka gar-naqdo maxkamada sare ee somaliland marnaba xisbiyada mucaaridku ma aqbali karaan go,aan ka dhan ah oo kasoo baxa maxkamda sare ee somaliland.waxayna u arkaan in maxkamdu ay dhinac ka tahay iyaga;

Somaliland waxay u baahan-tahay garsoor madax-banan

mustafe axmed maxmed geedi

email. mustafea179@gmail.com
Show quoted text