Writen by Qaran News |

G/kuxigeenkii Maxkamada ee Degmada Gaashamo oo si xaqdaro ah loo xidhay kuna dhex dhintay jeelka Jigjiga.

 
Gudoomiye kuxigeenkii Maxkamada Degmada ee Gaashamo ee ka dirsan Maamul Goboleedka Somalida ee Kililka 5 aad ee Ethiopia,  Marxuum Sheikh Xasan Saleebaan Geele ayaa ku dhex dhintay jeelka loo yaqaan Jeel Ogaadaan 08/07/2017 (Allah haw Naxaristee), isaga oo in mudo ahba u xidhnaa si xaqdaro ah, ka dib markii nin ka tirsam Ciidamada Booliska ee loo yaqaan Liyuu Boolisku uu wanjalay ama uu kusoo eedayay wax aan sal iyo raad toona lahayn. Marxuum Xasan Saleeban Geele oo ahaa dhowrkii sano ee u danbeeyay Gudoomiye kuxigeenka Maxkamada Degmada ee Gaashamo, ahaana nin sheeikh ah, oo inta badan ka dhiidhi jiray xaqdarada dadka shicibka ah lagula kaco ee ay ku hayaan ciidamada bahaloobay ee ku mamay dhiiga dadka shicibka ah ee loo yaqaan Liyuu Booliis, Deegaanka Gaashamana hore uga gaystay xasuuqii Jamac Dubad ee ay ku dhinteen ama ay ku xasuuqeen maatida badan ee aan waxba galabsan.

Marxuum Shiekh Xasan Saleebam Geele oo ahaa nin ehlul diin ah dadkiisana si daacad ah ugu adeega ayaa waxa lagula kacay cadaalad daro wayn iyadoo sida la tuhumsan yahay uu jeelka ugu dhex dhintay tacadiyadii kasoo gaartay intii uu jeelka ku jiray, iyadoo la wada ogyahay in tacadiyo iyo garaacis aan xadka lahayn loo gaysto Maxaabiiska lagu xidho jeelka lagu ciqaabo bini’ aadamka ee loo yaqaan “Jeel Ogaadèen”, iyadoo dadka qaar loo galiyo jawaan basbaas ah madaxa dabeedna uu naqasku ku dhago ama gaajo lagu silciyo.

Sidaas darteed, waxaanu ka codsamaynaa hadaanu nahay ehelkii marxuumkaas, in Hayadaha xaquuqda aadamaha, Dowlada Federal ee Ethiopia ay baadhaan dhimashadiisaa, iyadoo aanan ka hadhi doonin ilaa aanu cadaalada la tiigsano dadkii sida xaqdarada ah jeelka ugu hayay ilaa uu dhintay laguna tuhunsanyay inay dileen.

Allah haw gargaato intii cadaalad daro lahu hayo,

By Abdi ayanle Ismail

Antwrrpen, Belgie