Golaha Congress-ka Maraykanka oo markii 6aad ku guuldaraystay inay doortaan Afhayeenka Golaha

Congressman Kevin McCarthy
Congressman Kevin McCarthy

Xubnaha cusub ee loo doortay golaha Congresska ee Maraykanka ayaa maalintii shalay ahayd waxay isugu yimaadeen kalfadhigoodii ugu horreeyey. Mudanayaasha ayaa shaqadooda ugu horraysa ay noqotay inay doortaan afhayeenka golaha, waxaana ku tartamaya laba musharax oo ka kala tirsan Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Xisbiga Jamhuuriga waxaa musharax u ah Kevin McCarthy, halka uu xisbiga Dimoqraadigana musharax u yahay Hakeem Jeffrin.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 mudane oo ka mida 435-ka mudane ee uu ka kooban yahay aqalka wakiilladu, halka xisbiga Dimoqraadiguna uu haysto 212 mudane.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda golaha congress-ka ayaa ku guuldaraystay markii lixaad ee codayn ah, inay doortaan afhayeenka aqalka congresska ee Maryakanka, ka dib markii uu musharaxa Kevin McCarthy uu waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.

Illaa lix jeer oo kala duwan ayaa goluhu sameeyey codayn, la doonayey in lagu doorto afhayeenka golaha congresska, hase ahaatee Kevin McCarthy, dhammaan lixdaas jeer ee la codeeyey wuxuu gaadhi waayey 218 cod, oo ah tirada ay tahay inuu helo qofka noqonaya afhayeenka golaha congresska ee Maraykanka.

Musharaxa la tartamaya ee xisbiga Dimoqraadiga Hakeem Jeffrin ayaa isagu u baahan inuu helo illaa 16 cod, si uu u noqdo afhayeenka golaha.

Kevin McCarthy waxaa diidan illaa 20 mudane oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kuwaas oo u arka inaanu u qalmin inuu jagadaas qabto.

Sharciga u yaalla golaha ayaa dhigaya, in mudanayaashu ay codaynta afhayeenka wadaan, illaa musharax ka mida xildhibaanada goluhu uu helayo 218 mudane oo ka mida 435 xildhibaan ee aqalka wakiilladu ka kooban yahay.

Inta badan, xisbiga hela aqlabiyadda golaha ayaa si fudud u dooran jiran afhayeenka golaha, hase ahaatee, waa markii ugu horraysay, muddo ku siman 100 sannadood, oo musharax u taagan afhayeenka goluhu, uu waayo codad ku filan, codbixinta koowaad.

Kevin McCarthy ayaa isagu wacad ku maray, inuu tartami doono illaa uu ka guulaysanayo.