๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜†

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaad re dalka, qodobkan ayaa ku jiray ajandaha Kal-fadhiga 81-aad ee golaha.

Mudanayaasha guurtida ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee dalka iyo adeeg la’aanta Cisbitaalada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, oo ay sheegeen in adeeg bixintooda caafimaad ay aad u liidato.

Sidoo kale mudanayaasha ka qayb qaadanayay dooda ajandaha ayaa tilmaamay dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababaan daawooyinka bilaa tayada ah ee ay iibiyaan

Farmasiiyada iyo cisbitaalada dalku, oo ay ka warameen qaarkood in dawadii Hargeysa laga siiyay dib loogaga maydhay dalka Itoobiya, lana su’aalay meesha uu ka yimi in maxkamadi ka jirto iyo in kale si uu u dacweeyo.

Ugu danbayn guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay in loo yeedho wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland si wax looga waydiiyo xaaladda caafimaad ee dalka iyo arrimaha ay xildhibaan ka warameen.