Golaha Guurtida Somaliland oo Xeerkii Doorashada la Horgeynayo Salaasada

Hargaysa(Qaran news)-fadhigii saaka ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha, ayaa faray guddidii gacanta ku haysay Xeerka isa-saarka Doorashooyinka Qaranka inay golaha hor keenaan maalinta Salaasada ah ee ay bisha kowaad ee sanadka cusub ay tahay laba.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in indhah bulshada reer Somaliland ay hayaan golaha guurtida, isla markaana ay ka dhursugayaan xeerka Isa-saarka Doorashooyinka oo ay aad u danaynayaan sida uu u dhici doono.

Golaha ayaa la hor keeni doonaa maalinta Salaasada xeerka guud ee Doorashooyinka Qaranka oo ay muddo gacanta ku hayeen goluhu.