Golaha Wasiirada S/land oo ansixiyey Xeer lagu Xakameynaayo Madax-dhaqameedka

 

Shirkii Golaha Wasiirada ee uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi ayay Goluhu ka yeesheen dood iyo falanqayn uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaas oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, waxana uu tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dood iyo falanqayn dheer kaddib, qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meelmariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood.