Moyarka degmadda Salaxlay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhamaan ama badiba golihii deegaanka ee Salaxlay ay dhamaan dhisayaan musharax Cabdiraxmaan Cirro taageersan yihiina isbedelka
Moyarka oo arinkaas sharaxaya ayaa sheegay in ay qaateen taladii suldaanka guud ee beelaha Habar-Awal suldaan Xasan ee ahaa in dadka iyo dalkaba la mideeyo oo la walaaleeyo taasina ay ku jirto is bedelka.
Waxa kale oo uu sheegay in ay ku soo biireen in ay la fikrad noqdaan golayaasha deegaanka ee dalka sida Gabiilay,Burco,Boorama.
Waxa soo badanaaya dadka iyo madaxda ka soo goisanaaya xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye kuwaasi oo ku soo biiraaya isbedelka uu xisbiga Waddani uu waddo