Writen by Qaran News |

Gorfaynta Buugga Gadhweyne

Buugga “Qaran iyo Qabiil”: Laba Aan Is Qaban, ee Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) waa buuggii iigu saamaynta badnaa ee aan beryahaas akhriyo.

Waa shan qaybood buuggu oo xidhiidhsan oo ka kooban 178 bog. Qaradiisu bogag ahaan uma badna sida uu nuxurkiisu u dhumuc weyn yahay.

Waa rib isku cufan oo cuddoon badan nuxur, ulajeeddo abbaar iyo qaayo afeed intaba.

Marba akhriskiisu wuu ku sii jiidanayaa, sidii qof mawjad badweyn sidato, oo waxa kugu dhalanaya bal ka sal gaadh qoraalka. Adiga oo weli haliil iyo xiise u qaba ayaad xaashida u dambaysa, adiga oo is la baraad la’ aad hirdiyaysaa.

Rashiid Gadhweyne waa mufeker. Waa cilmibaadhe bulsheed ka mid ah fara-ku-tiriska foolaadka u ah Soomaalida dhacdooyinka iyo wacaalaha taariikheed iyo bulsheed ka foolisa ee ka falcelisa.

Qalinkiisu uma hogto hamrashada, isla markaana xaqiiqada uu baadhayo ama soo gudbinayo waxa uu u barkiyaa xaqsoor ama dhinac u iilasho la’aan iyo adeegsiga shaac-baxyo la hubiyey. Taas baa buuggiisa sadar kasta kaaga dhex muuqanaysa, waana ta saamaynta keenaysa ayaan ku wadaa.

Kama laha ulajeeddo kale qoraalkiisa oo ka baxsan mawduuca miiska yaalla ee uu kula gorfaynayo, kama na dareemaysid lifaaqyo kale oo uu jiidanayo iyo wax kale oo u hilan ama u lingaxan oo meel ugu guntan.

Rashiid Sheekh Cabdillaahi waxa aan bartay aniga oo da’ yar oo dhul iyo nolol qalaad dhex walhanaya.

Waa 1983 iyo sannadihii ka dambeeyey. Radio Halgan baannu isku barannay. Waa Addis Ababa iyo 20 jir caddaysimo ah iyo nolol axmaq ah. Waa jabhado aan cidina cid kale hoos u xaalayn oo badanka qofba inta badan ay tiisu cuslaynayso.

Waayahaas ayaa Rashiid iskaaya baray. Waxa aan ku bartay dadnimo, miigganaan iyo hayal toosnaan qofnimo oo daacadnimo iyo xurmo badan. Qof garasho iyo aqoon u saaxiib ah, deeqna ka siiya qofkii u goolmoon.

Aniga iyo dhallinyaro kale oo aan aabbe iyo hooyo ag joogin iyo ehel kale toonna doc shisheeye ayuu dugsi hirasho iyo macallin nololeed noogu noqday.

Barnaamijyadii uu ka sii deyn jirey Radio Halgan iyo isaga qofnimadiisu berigaas ba saamayn bay igu yeesheen. Taas ayuu buuggani, mar kale, markii aan akhriyey, igu soo kiciyey oo dib ii xusuusiyey.

Waa suura-gal in saamayntaas hore ee Rashiid uu aniga qof ahaan igu lahaa ay ka qayb qaadanayso tan dambe ee buugguna hadda igu yeeshay, se waxa hubaal ah in qof kasta oo si dhug leh buuggan u akhriyaa uu ku reebi doono raad weyn oo mawduuciisa ku saabsan, waxba yaanu Rashiid aqoon gaar ah ba u yeelane.

Qaran iyo qabiil oo ah laba isir oo badanka maskaxda Soomaalida isku haysta iyo is diiddooyinka waaweyn ee labadaas ka dhexeeya (qaran iyo qabiil) iyo sida uu mid ba ka kale u burinayo ee uga takhalusayo, ayuu qoraaga buuggu si bar-ku-joog ah ugaga yool gaadhayaa.

Dhaqanka abtirsiimo-wadaagta Soomaalidu markii reerguuraa loo badnaa iyo haddii magaalo yimi, labada jeerba, waxa uu qoraagu tilmaamayaa, isaga oo caddaymo cuskanaya, marka ay baahi dawladnimo timaaddo, in aanu qaabdhismeedka qarannimo bulshada Soomaalida meel ku lahayn, waayo baahi baan jirin. Sideedabana baahi aan dareenkeeda la qabinni wax ba kama duwana wax aan jirin, sida uu qoraagu soo bandhigayo.

Waxa la odhan karaa Soomaalida agteeda baahida qarannimo iyo dawladnimo wax weyn kama aha, kama na goyso. Halkeeda waxa u buuxiya higilka tolwadaagnimo ee marna guud sare ka dhisma, is la jeerkaasna hoos u sii kala filqama ee kala fagma sida basal la dhilayo.

Dhinacyo badan ayuu buuggu arrintaas kaga imanayaa. Socotada taariikhda, dhaqanka, nolosha Soomaalida tolwadaagta reerguuraaga iyo dhacdooyinkii ku taxnaa, gudo iyo dibedba lahaa, ayuu kala soo dhex baxayaa tusmooyin iyo caddaymo marag-ma-doon u noqonaya liilintiisa cilmibaadhiseed iyo sida farshaxannimo ee uu kuula falgelinayo dooddiisa xaglaha kala duwan wax kaa tusinaya.

Qarniyo hore, doraato, shalay iyo maanta ayuu isugu kaa qodbayaa. Sababaha dawladnimo wanaagsan oo waxtar yeelataa uga hanaqaadi la’ dahay bulshada Soomaalida dhexdeeda ayuu wacaalahaas kaaga soo tuujinayaa oo maanta ku dul keenayaa.

Siyaalaha is burineed iyo is diiddada qaran iyo qabiil, iyo sida aanay isu qaban karayn ee uu midi ba ka kale u durkinayo, ayuu, iyaga oo sababaysan, ku soo hordhigayaa oo kugu celcelinayaa ilaa aad madaxa u ruxdo.

Qaran iyo Qabiil: Laba Aan Is Qaban, waxa laga ogaanayaa wax badan oo maanta ummadda jid u iftiimin kara ay kaga bixi karto dhibaatada dawlad xumaanta ama dawlad la’aanta ka haysata; ‘dawladdii dawlad-la’aanta’ sida ereybixinta qoraagu u taallo.

Tusaale muhiim ah oo buuggu taabanayo waxa ah in magaca Soomaalinnimo ee la isugu soo hiloobey markii gumeysiga shisheeye la iska kicinayey uu ahaa mid ka dhashay qiiro iyo habarwacasho ka horjeedda gumeysiga shisheeye: “Hayaay ka soo kacaay, yaa Soomaali aheey”, oo xidhiidh la leh “hayaay ka soo kacaydii yaa reer Hebelaheey”, xilligii hiilada iyo dagaallada qabaa’ilka.

Markii gumeysigii shisheeye tegey ee Soomaalidii isku keliyeysateyna, dhaqankii hilowga iyo hiilada tolliimo ayaa soo miiraabay, oo isla markiiba, ka kor maray oo hadheeyey qiiradii waddaniyadda Soomaalinnimo, sida uu qoraagu soo bandhigayo.

Hay’adihii qarannimo ayaa durba qabaa’il loogu loollamay oo lagu kala riixdey. Qoraaga buuggu waxa uu qabaa, in sida dad badani u arkaan, aanay mushkiladdu ahayn midnimada ee ay ahayd maqnaanshaha jidkii midnimo dhab ah oo cid walba waxtar u yeelata keeni lahaa.

Muwaaddinku markii uu waayey qaran u dammaanaqaada nabadgelyo ah naftiisa, maalkiisa, sharaftiisa, horumarkiisa nololeed iwm waxa uu intaas ka raadiyey awoodda reertolkii ku leeyahay dawladda. Sidaas ayuu higilkii iyo hirdankii qabaa’ilka reerguuraaga Soomaalida ee geela, daaqa iyo so’da ceelku ugu soo guureen xukunka dawladnimo, isugu na garbiyeen ilihii koobnaa ee dhaqaale, ilaa uu qarankii dhexdooda ku burburay.

Bugtadaas halista ah oo aan cilinkeeda weli la fahmin, haddii la gartayna aan la iska cuudin ama la furdaamin, ayuu buuggu si wacan u iftiiminayaa. Waa sida aanay u wada noolaan karin qarannimo macno yeelata, oo waxtarna leh iyo habdhaqanka bulshada isirwadaagta qabiilka isugu xidhanta, isla qabiilka laftiisana ku kala faganta ama furfuranta ee sida ay isugu raacdo si ka fool xun ugu kala tagta.

Dawyo iyo jidbixin badan baa halkan ku jirta. Ardayda jaamacadaha ka baxday ama ku jirta iyo inta uu hungurigu kaga jiro in ay ummadda horseed iyo hoggaan u noqdaan ayuu buuggu u ifinayaa dawga ay taas u raaci karaan, kaga na baydhi karaan jidadka qodaxda badan iyo run-la-moodyada cagaagga badan ee muddada dheer bulshadu la soo noolayd ee nugleeyey, asaaggeedna ka reebay.

Waxa uu buuggu inagu jalbeebinayaa midowgii Muqdisho iyo Hargeysa waxa soo gabagabeeyey ee burburiyey in uu ahaa dhaqanka is xigtaysiga iyo isu hiilinta qabyaaladeed ee galay siyaasaddii iyo maamulkii guud ee qaranka.

Tani waa farriin aan caad saarnayn oo ku socota cidaha Soomaalida ee maanta weli isku milaysa hiilada qabyaaladeed iyo higilka siyaasadeed ee qarannimada, taa oo sida uu qoraaga buugguba caadbixinayo, aakhiritaanka, looga aayayo dawlad la’aan iyo burbur sii baaha.

• Dab iyo dhagax
Layskuma dhufto. Cali Sugulle, AHN.

• Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Timacadde, AHN.

Arrin kale oo muhiim ah oo xiisaha akhriska buugga iyo tayadiisa kor u qaadaysa, marka laga tago nuxurkiisa, waa qaabqoraalkiisa oo toolmoon.

Waa faro-ku-tiris ereyada higgaaddoodu hal meel ka jaban tahay ee aad buugga ku arkaysaa, sida tusaale ahaan ereyga ‘ hiilada’ oo aad meel kula kulmayso isaga oo u qoran ‘hiillada” iyo ereyga ‘ballaadhan’ oo isna hal meel u qoran ‘ballaadan’ iyo dhawr kale oo aan badnayn.

Buuggani waa bar-ku-joog ku soo beegmay baahi xilligan joogtaysan iyo bugto jirta oo bulsheed oo bogsiin iyo baanasho u baahan.

Waa raasamaal maskaxeed. Aqoonta uu xambaarsan yahay waa muhiim in ay gudubto oo gaadho inta u baahan oo ay ugu horrayso inta wax baranaysa ama baratay, inta hiyiga ku haysa in ay ummadda hoggaaminteeda meel ka soo gasho ama inta eegga ba meel uun kaga jirta iyo idil ahaan bulshada guud ee qubanaha ah.

Buugga waxa soo saartay shirkadda Ponte Invisibile (Redsea-online.com)
Hargeysa, 2018.

Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com