Writen by Qaran News |

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham.

…Walaw, buuggu aad u weyn yahay, aqoonta uu soo tabinayaana caydhiin ku tahay qof kasta oo aan sees wanaagsan ka haysan culuumtan, haddana xaajadaydu waxa ay ahayd uun; CEEL BIYO LIHI MA DHEERA. Usbuuc ka hor waatii aan idin la wadaagay qaybtii hore ee gorfeynta haatanna waxa aan idiin soo gudbinayaa qaybtii labaad.
Haddii Alle innagu simo waxa aan qormadan ku kor-ka-xaadin doonaa qoddobada muhiimka aan u arko ee buuggu wax ka qoray. Waxa aana ka mid ah:
● Meerayaasha toddobada ah iyo sida ay 24-ka saac u kala leeyihiin.
● Goorayntii Soomaalida sida;
b. magacyada afar iyo labaatanka saac,
t. Magacyada laba iyo tobanka bilood,
j. Magacyada maalmaha oo shan nooc oo kala duwan ah,

● Sooyaalka Xiiddigiska Soomaalida. Sida;
A. Noocyada xiddigaha u qaybsamaan,
B. Tirsiga Dayaxa ee Soomaalida,
C. Sooyaalka Beri tirsiga,
D. Sooyaalka iyo ka saadaalinta Waabariis,
E. Sooyaalka bisha Sedbuux,
F. Hab saadaalinta Sedbuux,
G. Sedbuux shan-guur iyo lix-guur,
H. Hab tirsiga Dayax-cadceeddeedka,
I. Sooyaalka Dambe-samaha,
J. Xiddigo Sugan,
K. Xiddigo Socda,
L. Sharraxa 28-da god ee dayaxa,
M. Habka wax looga oddoroso walxaha Samada,

●Soomaalidu aqoonta ay u lahayd cilmiga ABUURKA oo loo qaybiyo saddex kala ah:
1.ABKA: Wixii ku saabsan soloda abtirka dadka iyo duunyada,
2. SUMALKA: Wixii ku saabsan muuqaalka abuurka, dadka iyo duunyada ba.
3. RAADKA: Wixii ku saabsan raadka dadka iyo duunyada ba.

Hadda ba Soomaali waxa ay ku maahmaahdaa SHUBAALI WAA BIYO LA BAXE aniga oo aan ku xad-gudbin xuquuqdii qoraaga aan intaa ku ekeeyo mawduucyada kor ka xaadiska ah ee Cirmaalka Buraad innooga warramayo, akhristaha ayaa iibsan doona buugga dabadeed na xaq u yeelan doona dheefta buugga ku jirta’e.

Aragtiyaha aadka u mudan ee Cirmaalka Buraad xambaarsan yahay haddii lagu eego kasmo wanaagsan iyo fiiro badan waxa laga dheegi karaa hummaagga ilbaxnimadii liska ahayd ee aan tuurnay kuna beddelanay tan ajada ah. Sida oo kale waxa laga dheehan karaa in Soomaali ilbaxnimo facweyn lahayd taasi oo aan cilmiyada dunida cidna waxba ka martiyin.

Buuggani wuxuu u cuntamayaa oo dhadhan macaan u samaynayaa kuwa aan la ashqaraarsanayn ilbaxnimada R. Galbeedka ee akhlaaqda iyo dhaqanka san ka arradan. Sida oo kale, qof kasta oo qun-u-dhaladnimada isirka Soomaaliga ahi macno u sameeynayaa waa ku raaxaysanayaa. Hasayeeshee Soomaalida han-jabtay, is-dhiibtay ee rajo-beelka ahi dhag- jalaq uma siinayaan. Si kasta ba ha ahaatee, aqoontii iyo ilbaxnimadii dhaxalka awoow ee faraca dhawrsoon ku aroori jirtay kuwa qiimigeeda ogsoon, taa aan kor ku soo xusnay ee ajada ah ee R. Galbeedna gunta soo taabtay buuggan xogta ku jirta dahab ayay ku miisaamayaan.

Buugta daabacan ee ifka u soo baxday ee mawduucan wax ka qorta waa kuwa kaw iyo laba la odhan karo iyo mawduuca oo madi ah ba waxa ay horseedayaan in Soomaali meel ay joogto ba u harraaddan tahay wax ka ogaanshaha mawduucan. Hadda ba qofkii in uun xiisaynaya buugga Cirmaalka Buraad haddii uu samirkii lagu akhrin lahaa la yimaaddo waa hubaal in aqoon aasaasi-dhexe ama sare oo ku saabsan xiddigiska uu ka hirqanayo. Haani gun bay ka tolantaaye buuggu salka ayuu ka soo bilaabayaa barashada xiddigiska.

Gorfeyntaydani waxa ay boorinaysaa in taariikh ahaan aan u eegnaa kaydka cilmi ee Soomaalida ee CIRMAALKA BURAAD soo gudbinayo oo aan macne falsafad taariikheed ku miisaanno? Sida oo kale, inta dib loo daraaseeyo in la soo nooleeyo. Waxa se is-weydiin mudan sidee ayay xilligan iyo aqoontaasu jiibta iyo jaanta iskula heli karaan? Kuwaas iyo weydiimo kale oo door ah ayaan ku feker arooray intii aan gorfeynta buugga ku dhex jiray. Hasa yeeshee, ar-dambe iyo waageede aan u gundo-degno dulucda qormada labaad ee gorfeynta CIRMAALKA BURAAD.

GOORAYNTII SOOMALIDA
Inkasta oo aragtiyo kala geddisan BILAHA SANNADKA aqoon yahanka isku lura cilmigan xiddigisku soo kala tabiyaan, haddana waxa aan hogo-tusaale u soo qaadan doonnaa kuwan CIRMAALKA BURAAD xusayo iyo kuwa kale oo Muuse H. i. Galaal buuggiisa “Stars, seasons and weather in Somali pastoral traditions. uu ku xusay.

1. Dharabley|January
2. Cirir|February
3. Cuur| March
4. Duugato| April
5. Meecaad|May
6. Afa-gaal| June
7. Agaali|July
8. Naaf| August
9. Kudxin| September
10. Dirir| October
11. Gudba|November
12. Xoorrey|December.

Halkan waxa aan ku soo qaadan doonaa laba iyo toban bilood oo Galaal (AHN) ku xusay buuggiisa aan kor ku xusnay kuwaas oo laga adeegsado deegaanka Burco udub-dhexaadka u tahay.

1. Dayr halalood
2. Dayr habbis
3. Dayr dirir
4. Dayar damba-same
5. Wajiine
6. Xays
7. Toddob
8. Daydo
9. Seer-ma-weydo
10. Cawl
11. Dirir sagaaro
12. Samalaho

MAGACYADII SOOMAALIDU AFAR IYO LABAATANKA SAAC U ADEEGSAN JIRTAY.
Waxa jira aragtiyo kala geddisan oo gooraynta Soomaalida midba waxa ka tidhi anigu qof ahaan labada aragtiyood ee midna buugga Xaaji Muuse Galaal xagga saacadaha waxa iga la waafisan aragtida cirmaalka Buraad oo saacad kasta magaca gaar ugu yeedhay, halka aragtida Galaal soo tabiyay ay laba laba saac iskugu xidhaysa.

1. Milay-tara
2. Cir-lo’aad
3. Geel-raamis
4. Waadhawaad
5. Daakira
6. Waabari
7. Aroor
8. Barqa-riyaaq
9. Barqo-lo’aad
10. Xigsiin-ramad
11. Xigsiimo
12. Qiiloolo
13. Gadiid
14. Cadeed-yalamis
15. Casar
16. Mayrac
17. Daba-casar
18. Galab-gaab
19. Cadceed-dhac
20. Caways
21. Xareed
22. Migil
23. Waaberi
24. Geel-seexad

TODDOBADA MEERE
1. Diimaale
2. Dabayl
3. Wooble
4. Cadceed
5. Dhabare
6. Dusa
7. Dayax

MAALMAHA USBUUCA EE SOOMAALIDA
Qaybta 1aad
1. Case|Axad
2. Lamma|Isniin
3. Sadde|Talaada
4. Carte|Arbaca
5. Uguux|Khamiis
6. Agaax|Jimce
7. Agaali|Sabti

Qaybta 2aad
■ Suuni|Axad
■ Sanni|Isniin
■ Koodaar|Talaada
■ Goonyaad| Arbaca
■ Ugbaad|Khamiis
■ Hoyaad|Jimce
■Negaad|Sabti

Qaybta 3aad
● Koowin|Axad
● Lammin|Isniin
● Lamatooka|Talaada
● Koodaar|Arbaca
● Hakisa|Khamiis
● Hakis-bila|Jimce

Qaybta 4aad
○ Malkow|Axad
○ Mallabo|Isniin
○ Malsed|Talaada
○ Malafar|Arbaca
○ Malshan|Khamiis
○ Malkulan|Jimce
○ Manayso|Sabti

Qaybta 5aad
▪ Kawley| Axad
▪ Labaaley|Isniin
▪ Saddexkey|Isniin
▪ Afarley| Arbaca
▪ Shabley| Khamiis
▪ Kulmiso| Jimce
▪ Toddobaaley|Sabti

XIDDIGO SUGAN; Waxa looga jeedaa siddeed iyo labaatanka god ee Dayaxu uu maro innaga oo ka dhaqaaqayna labadaas qodob baan qoraalkan ku lafo-guraynaa godadka Dayaxa oo ka kooban 28-ka god iyo habka Soomaalidu u wariso dhaqan ahaan, kolka laga hadlaayo ambooyinka waxa inta badan loo gaar yeelaa Dayaxa ambooyinku se waxa ay ka dhexeeyaan toddobada malluug ama meere. Quraanka laftiisu manaasisha wuxuu u gaar yeela Dayaxa inkasta oo uu sheegay in labadu ba ay socdaan oo sabbaynayaan. Markaan eegno cilmi-dhaqankeenna ambooyinka iyo Dayaxu waxa ay raad weyn ku leeyihiin nolosha xoola dhaqatada bad-maaxa iyo beeroleyda Soomaalida.

Sidaan bilawgii buugga ku soo sheegnay Af-carbeedku wuxuu raadeeyay qayb weyn oo ka mid ah Af Soomaaliga sida ayaamaha oo kale, marka laga hadlaayo marka laga hadlaayo gododka Dayaxa iyo meerayaasha ma sidaas uun buu u beddelaa ama u raadeeyaa? Markaan eegay ma arkin raad uu ku yeeshay Af-carbeedka iyo af kale ba gododka Dayaxa iyo meerayaasha Carabiyeeyay waxa aan is idhi markaan eegay waa meesha kaliya ee laga heli karo Af soomaaligii hore iyo intii ka horreysay ee aanay afafka bahda Kushitiggu aanay kala bixin ba.

Cirmaalka Buraad waxa ay yidhaahdaan, xiddigo sugan waxa ay tilmaan u yihiin in meelaha samada, waxaana laguna tilmaansadaa meelaha ay kala joogaan, sida buuraha ba luugu kala tilmaansado dhulka meelahay kaga kala yaalliin.

AF SOOMAALIGA
Wakhti door ah baan ku bixiyay in aan magacyada gododka sideed iyo labaatanka ah ee dayaxu maro ka dhex baadho ereyo ergis ah oo afkeennu af kale ka soo ammaanaystay, hasa yeeshee waan ka dhex waayay. Xataa Af carbeedka oo meelaha qaar sida maalmaha innaga dhallan-rogay kuwii hore ee Soomaaliga badhaxa-tiran ahaa ee aan u lahayn marka ay arrintu Culuumta xiddigiska timaaddo Af soomaaligu uu laan-dheerenimo sheegtay oo is bixiyay. Waxa aanu halkaa ku dhaafay afaf badan oo la bah ah iyo kuwa kale oo la jaal ah ba.
1. Godan
2. Lisan
3. Urur
4. Laxmar
5. Agaali-waran
6. Agaali-caanood
7. Afagaal
8. Canbaar-siigaale
9. Naaf-weyne
10. kutxin-tarka-cad
11. Kutxin-cawo
12. Kutxin-nirig
13. Kutxin- dabaqallooc
14. Dirir-galaal
15. Dirir-garbood
16. Dirir-bashkax
17. Dirir-garbood
18. Daalallo-cas
19. Daalallo-mareeg-dheer
20. Cadarin-daalallo
21. Madhan-daalallo
22. Faruur-cirir
23. Kabaal-cadde
24. Jad-barbaar
25. Jad-cuur
26. Duugato
27. Mijin
28. Dhawaaq-dhawr

AF CARBEEDKA
Af-carbeedku wuxuu ka mid yahay afafka tirada yar ee magacyo gaar ah u leh 28-ka god ee dayaxu maro.
Manazil al-Qamar (Arabic: منازل القمر)
1. Al-Sharatain (الشرطان – The Two Signs)
2. Al-Butain (البطين – The Belly)
3. Al-Thurayya (الثريا – The Swarm)
4. Al-Dabaran (الدبران – The Follower)
5. Al-Haqa (الهقعة – A White Spot)
6. Al-Hana (الهنعة – The Scar)
7. Al-Dhira (الذراع – The Seed or The Branch)
8. Al-Nathrah (النثرة – The Nursery)
9. Al-Tarf (الطرف – The Gaze)
10. Al-Jabhah (الجبهة – The Forehead)
11. Al-Zubrah (الزبرة – The Mane of the Lion)
12. Al-Sarfah (الصرفة – The Changer of the Weather)
13. Al-Awwa (العواء – The Barker)
14. Al-Simak (السماك – The Unarmed)
15. Al-Ghafr (الغفر – The Lid)
16. Al-Zubana (الزبانان – The Claws)
17. Al-Iklil (الإكليل – The Dome of the Head)
18. Al-Qalb (القلب – The Heart)
19. Al-Shaulah (الشولة – The Sting)
20. Al-Na’am (النعائم الواردة or النعائم الصادرة – The Dragon’s Head)
21. Al-Baldah (البلدة – The City or District)
22. Sa’d al-Dhabih (سعد الذابح – The Fortunate Assassin)
23. Sa’d Bula (سعد بلع – The Fortunate Aviator)
24. Sa’d al-Su’ud (سعد السعود – The Wretched of the Wretched)
25. Sa’d al-Akhbiyah (سعد الأخبية – The Star of the Dungeons)
26. Al Fargh al-Awwal (الفرع المقدم – The Upper Hole of the Flask)
27. Al Fargh al-Thani (الفرع المؤجر – The Lower Hole of the Flask)
28. Batn al-Hut (بطن الحوت – The Belly of the Fish.

AF INGIRIISIGA

Afka Ingiriisa iyo kuwa kale oo badan oo rafiiq ahi ba markii cirka loo baxay saboolnimo badan ayaa ka muuqatay oo waad u jeeddaan in tiro koow laba ah uu adeegsanayo oo laga horreysiiyay Station oo macneheedu god yahay. Halkaana waxa ka muuqata in afkeennu kaga hodansan yahay kolka xaggaa Xiddigiska loo kaco.
Station 1
Station 2
Station 3
Station 4
Station 5
Station 6
Station 7
Station 8
Station 9
Station 10
Station 11
Station 12
Station 13
Station 14
Station 15
Station 16
Station 17
Station 18
Station 19
Station 20
Station 21
Station 22
Station 23
Station 24
Station 25
Station 26
Station 27
Station 28.

La soco …