Guddida Dhaqaalaha ee Xukuumadda oo Warbixin ka Dhegaystay Guddida Madasha Dhaqaalaha

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada JSL waxa ay warbixino la xidhiidha qaban-qaabada madasha Dhaqaalaha Heer Qaran ee sannadka 2023 ay ka dhageysteen guddida farsamo ee ku hawlan diyaarinta madasha Dhaqaalaha sannadkan oo ka qabsoomi doonta magaalada Hargeysa 14-15 October, 2023.

Arrimaha lagu soo bandhigi doono sannadkan madasha Dhaqaalaha 2023 waxa ay kala yihiin:-

1. Sagaal nooc oo Daraasado cilmi baadhisyo ah oo ku saabsan fududeynta Maalgashiga, Ganacsiga, Adeegyada maaliyadeed, Sugnaanshaha cuntada, Macdanta iyo ilo dhaqaale sal-balaadhan oo ay dawladu yeelato.
2. Carwo ganacsiyeed .
Sida Adeegyada Maaliyadda, Macdanta iyo Adeegyada Dawladda