Guddida Nabadgelyada Awdal oo sii Daysay Dhallinyaro muddo u xidhnaa abaabulka mudaharaad ka dhan ah Somaliland

Boorame(Qaran news)- Guddida nabadgelyada Gobolka Awdal, ayaa maanta sii daayey dhalinyaro laga soo xidhay Boorame iyo deegaanka Cali Xaydh ee gobolka Awdal.

Dhallinyaradaas oo aan tiradooda la sheegay ayaa bilo ku xidhnayd kadib markii lagu eedeeyay inay mudaharaad ka dhan ah Qarannimada Somaliland ay ka abaabulayeen Boorame.

Xubno u hadlay waalidka dhallinyaradaas ayaa badgasaabka Awdal iyo guddida nabadgelyada gobolka uga mahadceliyay dedaalka ay geliyeen sidii dhallinyaradaasi loo sii dayn lahaa. Waxayna waalidku ballan qaadeen in aanay ubadkooda la soo daayay aanay dib ugu lug yeellan doonin facaa’ilkii lagu soo xidhay waxana ay xuseen in mid waliba uu qabsan doono hawlihiisii gaarka ahaa waalidkuna si dhow uga war hayn lahaayeen.