Hargeysa(Qaran news)- Guddiyada DAN & DUCO iyo HOODAALE ee beesha Habar Awal, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qaraarkii ergada beesha bariga Burco ee xal u helida khilaafkii doorashooyinka.
Guddida beesha Habar Awal waxay ammaaneen dhinacyadii ay khusaysay ee soo dhaweeyay go’aankii Ergada oo ay ku doodeen inuu ahaa qaraar dalka lagaga saari karo khilaafka iyo xiisada ka dhalatay kala hormarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Ururrada siyaasada, oo guddigu ay soo jeediyeen in mar la wada qabto 13ka November 2024.
Guddiyada DAN iyo DUCO iyo HOODAALE ee beelaha Habar Awal waxa ay Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u soo jeediyeen inay hadlaan islamarkaana aqbaleen go’aankaas xalka u ah khilaafkii dalka ka jiray.