Guddoomiyaha Awdal oo Kormeeray Dhismaha Jidka Degmada Baki

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi, saraakiil ka tirsan Baanka Horumarinta Africa, hay’adda Save the Children iyo Injineero ka tirsan Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa kormeer ku tagey dhismaha jidka degmada Baki.

Weftigan booqday geeddi-socodka shaqo ee jidka ayaa boggaadiyay hawlaha ku dayashada mudan ee ay wadaan injineerada dhismaha jidkaasi loo xilsaaray.
Dhismaha mashruuca jidkani waxa iska kaashaday Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka iyo Hayada Save the Children, kuwaas oo rajjo weyn ku abuuray bulshada degaanka Baki, maadama ay yihiin beeraley muddo badan sugayay jid ay mariyaan midhaha ka soogo’a beerahooda.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xaddi, ayaa wakaallada horumrinta waddooyinka Somaliland, ku ammaanay shaqada baaxda leh ee socoto dhismaha jidka iyo masuuliyadda wayn ee ay iska saartay dhismaha jidkaasi oo hadda gaba-gabo ku dhaw, wax weyna ka tari doona isu socodka gaadiidka iyo dadka degmada Baki iyo magaalada Boorama.