Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo la Kulmay Saraakiisha UK u Jooga Somaliland

Hargeysa(Qaran news) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, oo ay wehiliyaan guddoomiye ku xigeenka iyo agaasimaha guud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland oo booqasho ku yimid Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Guddoomiyaha ayaa uga warramay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Hay’adda Shaqaaluhu ay wadday sannadahan dambe iyo gaar ahaan samaynta siyaasadaha iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah maamulka shaqaalaha dawladda.

Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ayaa iyaguna sidoo kale Guddoomiyaha warbixin ka siiyay Hawlaha ay ka qabtaan Somaliland iyo taageerada ay siiyaan dawladda iyo Shacabka Somalilandba.