Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta dhaariyay Xubnaha Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka.
20/07/2022-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay 9 xubnood oo kamid ah Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadka (National Health Professions commission), halka labada xubnood ee kala ah Guddoomiyaha Guddida iyo Ku-xigeenkiisa aanu wali muddo xileedkoodii ka dhammaan oo ay hore u dhaarsanaayeen..
Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ahaa.
1.Siciid Bulxan Cige
2. Xamda Cabdi Faarax
3. Ayaanle Sulaymaan Axmed
4. Ismaaciil Cawil Xasan
5. Barkhad Cumar Cali
6. Mumtaas Daahir Farxaan
7. Sayid Cabdilaahi Taani
8. Dr Mustafe Maxamed Axmed
9. Filsan Xuseen Yuusuf
Kuwaasi oo ay hore Maxkamadda Sare ugu soo gudbiyeen Guddida Qaran ee Mihnadaha Caafimaadku codsi ay ku dalbanayaan in xubnahaasi loo dhaariyo.
Dhaarinta kadib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xubnaha la dhaariyay in ay bulshada dhex u ahaadaan oo ay ugu shaqeeyaan si hufan oo ay ku dheehan tahay daacadnimo badhaxtiran, waxaanu Alle uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadaa culus ee loo igmaday.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare