Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bahda Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen qaar kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan guddida cadaaladda, guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda degmada Hargeysa, Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex, guddoomiyaha Ururka garyaqaanada ee SOLLA, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafinta iyo isku lab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

Wa bilaahi tawfiiq.