Writen by Qaran News |

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa kula kulmay masuuliyiinta dalada ururada bulshadu ku midaysan yihiin ee SONSAF.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta dalada SONSAF oo ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha dallada Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo ay wehelinayeen xubnaha kale uu daladu.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta dalada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar galin lahaa, wada shaqaynta ururada bulshada. Si kor loogu qaado kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin hab-sami-u-socodka doorashada, beri loo dareerayo. Guddoomiye Aadam waxa uu uga waramay masuuliyiinta dalada SONSAF, doorka hay’adda garsoorku ka qaadanayso geedi-socodka doorashada iyo diyaar garowga qaran ee ay ku jirto, isagoo xusay in ay libin laabeen shaqadii ay bulshada u hayeen, taxadar dheeraad ahna ka sameeyeen hawlaha doorashada, si cabashooyinka iyo dacwadaha ka yimaada loo mariyo dariiqa uu jidaynayo xeerka doorashadu. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu uga mahad-naqay dalada SONSAF shaqada fiican ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay sii xoojiyaan waxqabadkooda inta ay doorashadu socoto.

Masuuliyiinta dalada SONSAF ayaa iyaguna ka warbixiyay diyaar garawga ay ku jiraan iyo tallaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado hufnaanta doorashada, waxaanay xuseen in ay sameeyeen guddi hoosaad la shaqaynaysa guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ee KMQ, xarun xog-u-ururin (Call center) si dhow ula shaqaynaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tababar siiyeen ku dhawaad 900 oo muraaqibiinta doorashada ah, si ay u xooganaato hufnaanta doorashadu.

Ugu danbayn waxay hay’adda garsoorka JSL ku amaaneen diyaar-garowga fiican ee ay sameeyeen iyo marwalba doorka fiican ee ay ka qaataan hawlaha qaranka.