Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay Guddida Dacwadaha Cashuuraha

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay xubnaha Guddida Dacwadaha Cashuuraha Qaranka JSL

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/12/2023-ka, dhaariyay afar xubnood oo ka mid ah, shanta xubnood ee Guddida Dacwadaha Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland, halka xubinta hadhsana dib laga dhaarin doono.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu kula dardaarmay xubnaha guddida in ay Qaranka ugu adeegaan si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.